Hogaamiye Cali Khaliif Oo Cawaysin Cajab Galiyay Ku Heenseeyey Hargeysa Iyo Kulamo Is Araga Oo Maanta Qasriga Ku Dhex Mari Doonta Madaxweyne SIILAANYO

0
501

Cali Khaliif Oo Si Weyn Ufaaqidey Horumarka  Iyo Nabada Somaliland Ka Tisqaadey

Hogaamiyaha kooxda khaatumo cali khaliif galaydh ayaa soo gaadhay caasimada hargeysa waxaana imaatinkiisa magaalada kusoo dhaweyey xubno isugu jira xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumada somaliland waxaana hogaamiyaha iyo waftiga ayaa ku hoydey hotelka maansoor ee magaalada hargeysa.

hogaamiye cali khaliif galaydh ayaa kulamo la qaatay masuuliyiin ka tirsan xukuumada gaar ahaana masuuliyiinta ay isku deegaanka yihiin kuwaasi oo kaftan siyaasadeed isku waydaarsadey barxada hotelka maansoor . isagoona hogaamiye cali khaliif galaydh ka xog waramay socdaalkii dheeraa ee uu soo maray iyo roobabka maansheeyey deeganadi  uu soo maray waxaana uu sidoo kale sharaxaad ka bixiyay muhiimada nabad galyadu leedahay waxaana uu xusey jidadkii ay ku soo mareen nabadgalyada ay somaliland ku naaloonayso muddada 26 sanno ah. isagoona carabka ku adkeeyey dhismayaal yaab gashey oo uu kala kulmay magaalada hargeysa wuxuu hogaamiye cali khaliif galaydh sheegay in nabadu horseed ka tahay horumarka bulshadu gaadhay

illo xog ogaala oo wargeyska sahan helayo oo dhaq-dhaqaaqiisa diirada ku haya  ayaa tibaaxaya in hogaamiye cali khaliif hargeysa u yimi kulamo uu la yeelanayo madaxweyne siilaanyo kulamadaasi oo u badan sidii laysula meel dhigi lahaa qorshaha lagu gunaanadayo waddahadaladii udhaxeeyey dawlada somaliland iyo kooxda khaatumo ee uu hogaamiyaha u yahay cali khaliif galaydh.

kulanka udhaxayn doona madaxweynaha iyo hogaamiye cali khaliif ayaa la wariyay inuu ka qabsoomayo xarunta madaxtooyada somaliland .

imaatinka hogaamiye cali khaliif ayaa yimi xili dawlada somaliland samaha dawladnimada fahansiisey maleeshiyadi  duurgalka ahayd ee laga saxal saaray deeganada buuhoodle iyo saaxdheer .

ka dib kulanka madaxweynaha ayaa la filayaa in hogaamiye cali khaliif galaydh u anbabixi doono magaalada nairobi ee dalka kenya halkaasi oo kulamo kula qaadan doono haayado caalamiya,isagoona uga sii gudbi doona wadanka maraykanka. socdaalka hogaamiyuhu kusoo mari doono wadamadaasi ka dib ayaa la filayaa inay dib ufurmaan waddahaladii udhaxeeyey somaliland iyo khaatumo.

QoryaaleNews Office

Hargeysagalaydh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here