Dawladda Somaliland Oo Guul Kala Carrowday Dood Lagaga Hadlay Maamulka Hawada Sare Oo Ay BBC-du Soo Qaban-qaabisay Iyo Soomaaliya Oo Ka Muquuratay

0
686

Wasiirka Duulista Hawada  Dawlada Somaliya Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel ) ayaa ka muquurty dood Idaacada BBC-da laanteeda afka Somaligu ku casuuntay isaga iyo Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland  Frxaan Aadan Haybe oo ku saabsana Maamulka Hawada Sare ee Somaliya, oo isna markii la waayey Wasiirkii Dhigiiisa ahaa,doodii  dhinaca Somaliland u wareejiyay Agaasimaha  Guud ee Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland si uu uga qayab qaato, BBC-da ayaa kaalintii uu baneeyay Wasiirka Duulista Hawada Somali ku badashay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada Somaliya, balse isna wuu ka cudurdaartay oo sidaa ayuu kaga qayb qaatay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Soamaliland.

 

Agaasimaha Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Cumar C/laahi Aadan, oo doodaasi ka qayb qaatay ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “hadii aanu nahay Jamahuuriyada Somaliland aad ayaanu uga harumarsanahay   Somaliya, hadday noqoto xaga dhismah maamulka Hawada, taas oo ay noo samaxday sanado badan oo nabada iyo waayo aragnimo, in aanu hawada sifiican u maamulno arimo badan oo sahlaya ayaa jira , dee iyaguna hada ayey bilaw yihiin, Dawladihii kala danbeeyay ee somaliya way ka hadleen, anagana runtii daacad ayay naga ahayd in Hawadii la wadaago, oo Itoobiya iyo jibuuti oo kale waa laba dal oo jaar ah oo walaalo ah, Itoobiya ayaa u wada Maamusha, in aanu anaguna maadaama siyaasada uun lagu kala duwan yahay aanu si daacad ah uga wada shaqayno oo runtii anaga oo Somaliland iyo Soamaliya ah aanu u samayno gudi madax banaan oo xaruntana hargaysa laga dhigo maadaama Hargaysa kaga Haboonayad sanadadii ugu danbeeyay xaga nabgalyada, xaga shaqaalaha, iyo xaga aqoontaba, markaa dawladihii kala danbeeyay ee somaliya ayaa arintaasi ka cago jiiday oo xagal daaciyey oo aan daacad ka noqon in hawada lala soo wareego, Hawo waxaa lagu wareejiyaa Dad midaysan oo ku midaysan, habkii ay hawada u maamuli lahaayeen, laakiin Xamar oo kali ah laguma wareejin karo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here