‘ Mooganaanta Wasiir Cukuse iyo Eexda Isuduwaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha Ee G.Togdheer  iyo Caaglaysiga Magacyada Dhakhaatiir Maqan ‘

0
572

Qeybtii 2aad

Isticmaalka magaca  loo yaqaano (CAAG LAYSIGA) oo ay caadaysteen maamulka wasaarada xanaanada xoolaha Gobolka Togdheer ayaa ah wax ku cusub wasaarada iyadoo  shaqsiyaad aan ka hawlgalin wasaarada magacyadooda lagu qadhaabto kuwaasi oo kooxaha daawaynta Diwaankooda loo soo gudbiyey in ay yihiin hawl wadeeno kamida kooxaha fuliya daawaynta xoolaha nool Ee ay hayada FAO inaga taageerto

Maamulka wasaarada xanaanada Xoolaha Ee  G.Togdheer  ayaa magacyada maqanayaasha ka dhigtay raasamaal jeebabkooda ay kudhacaan una isticmaala in ay ku hawlgaliyaan shaqsiyaad ay  dano gaara ka leeyihiin oo Xatoo iyo Ehelnimo ku keen sadeen Oo aan haysan Rusqadihii caafimaad Ee Xanaanad Xoolaha ay kaga hawlgali lahaayeen. Laguna xaadiryo magacyo  been abuura  Oo ay leeyihiin dhakhaatiir hore uga hawlgali jirtay wasaarada laakin hada kamaqan Oo isugu jira Shaqaale dhoofay ,dhimasho iyo kuwo Helay shaqo aan joogto ahayn Oo aan ka bixi Karin

Si kastaba ha ahaatee arrin kani waxa uu dhabar jab weyn ku keeni doonaa wasaarada xananada  xoolaha jamhuuriyada Somaliland Ee Uu gadhwadeenka ka yahay mudane Cabdilaahi Maxamed daahir Cukuse hadaba Magacani loo yaqaano caaglaysiga ayaa dalka jamhuuriyada somaliland waxaa laga isticmaali jiray muddo laga joogo 10 sanno ka hor laakiin waxaa u fududeeyey  In la isticmaalo daba gal la,aanta ka jirta waaxda caafmaadka ee wasaarada xanaanada Xoolaha Oo Shaqadeedi gabtay

Qoraal kasoo baxay Mihnad layaasha Caafimaadka Xanaanada Xoolaha Ee gobolka TogdheerDr mustafecaydiiddacar

1.Dr Xaamud cumar sh Cismaan

2.Dr Cabdirisaq ibrahim axmed

3.Dr Cabdiqani siciid maxamed

4.Dr Cabdirashiid siciid maxamed

5.Dr Shaafici siciid cismaan

6.Dr Cabdiqani saleebaan maxamuud

Lasoco qeybta 3aad

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here