Wasiirka warfaafinta Cadaani Wuxuu Fashilinayaa Musharaxa madaxweyne Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

0
506

Wasiir Cadaani oo ah wasiirka wasaarada warfaafinta iyo dhaqanka waxa uu ku fashilmay shaqadii loo igmaday oo uu khilaaf joogta ah ka dhex abuuray wasaarada uu wasiirka ka yahay,sanadkii hore ayey aheyd markii wasiir cadaani iyo agaasimihii guud ee wakhtigaasi Maxamed Cilmi Adan iyo maareeyihii telefiishanka Cabdi Cali Mahdi ay isku dhaceen wasiir Cadaani isla markaana khilaafkii wasaaradu uu meel halis ah gaadhay,taasi oo keentay in uu madaxtooyada u ashkato tago oo uu yidhaahdo iga bedela laam shaqeyn karayo labadan nin eh,tiina ay dhacday oo laga bedelay labadii nine e agaasimaha ahaa iyo maareeyihii telefiishanka qaranka, sidaasi oo kale hadana waxa dhawaan khilaad culusi oo kala dhex galay agaasimaha wasaarada warfaafinta Axmed Abokor iyo Maareeyaha telefiishanka Khadar Maxamed Cakule oo faraha iskula tegay ,sidii si leeg ayuu hadana wasiir Cadaani madaxtooyada u tegay oo uu yidhi iga bedelay labadan nin balse markan waxa laga ogolaadan oo laga bedelay agaasimihii guud ee wasaarada warfaafinta Axmed Abokor oo xalay la bedelay.

Hadaba su’aashu waxay tahay wasiir cadaani oo lagu eedeeyo in uu warbaahinta madaxa banaan ku diro xukuumada iyo murashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi sidee ayuu guul ugu keeni karaa xukuumada iyo murashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi?

Guntii iyo gabagabadii fashilka ka taagan wasaarada warfaafintu waxa uu khatar u yahay ololaha Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi hadii aan deg deg wax looga qaban wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka Mr Cadaani.

Qore Maxamed Ibraahinwasir cadani

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here