Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha Geeska Abwaan Xassan Dhuxul Laabsalaax Oo Ka Degay Magaalada Muqdisho Iyo Dareenada Ku Xeeran

0
434

Abwaan Xassan Dhuxul Laabsalaax guddoomiyaha kooxda fannaaniinta xiddigaha geeska yaa uu shalay ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.Abwaan Laabsaalax ayaa la sheegay in ay dawladda Soomaaliya martiqaad u fidisay isla markaana ay u balan qaadey Lacag iyo qorshayaal kala duwan oo ay ka mid tahay in dawladu ay geyn doonto dalka Turkiga.

Sidoo kale waxaa xusid Mudan in kooxda uu abwaankani ka yahay guddomiyaha ee xiddigaha geeska oo ka dhisan magaalada Hargeysa dhawaan laga saarey fannaaniin kooxdaasi ku jiray oo ay ka mid yahiin Yurub Geenyo iyo Nimcaan Hilaac ka dib markii lagu eedeeyey in ay Muqdisho bandhigyo ku soo qabteen, balse arrintan uu sameyeey guddoomiyihii kooxdaas ayaa waxaa ay noqotey mid layaab iyo fajac ku noqotey shacbiga reer SomalilandDhinca kale ma cadda mawqifka ay qaadan doonan fannaaniinta kale ee kooxda xiddigaha geesku mar haddii guddoomiyihii kooxda iyo fannaaniin hore uga tirsanaaba ay Muqdisho u ciyaar gudeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here