Maxkamadda Sarre Ee Dalka Maraykanka Oo Laashay Xayiraadii Trump Uu Saaray Wadamo Islaam Ah

0
520

Maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka ayaa fasaxday in la dhaqangeliyo qeyb ka mid ah amarkii xayiraada socdaalka ee Trump inta ay maxkamaddu ka baaraandagaysa sharci ahaanshaha amarkaasi.
Amarkaasi ayaa ka mamnucaya muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin u badan oo ay Soomaaliya ku jirto inay u safraan Mareykanka muddo 90 maalmood ah. Wuxuu sidoo kale si ku meel gaadh ah u hakinayaa barnaamijka qaabilaada qaxootiga muddo 12 maalmood ah.
Amarkan ayaa waxaa hore u diiday maxkamadaha hoose ee Mareykanka, taasoo ku qaaday in Aqalka Cad uu racfaan ka qaato.
Maxkamadda ugu sarreysaya ayaa haseyeeshee amarkan sheegtay inuusan khuseyn doonin ajaaniibta dalalkaasi ee ”xidhidhka dhow” la leh Mareykanka, sida shaqo, waxbarasho ama xubnaha qoyskooda oo ku nool yihiin Mareykanka.
.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here