Dp World Oo Ka Hadashay Kontiinarkii Ku Gubtay Berbera+Cida lahayd

0
578

KU: Dhammaan Saxaafada Somaliland.

Ujeedo:—Warbixin Konteynarkii ku Gubtay Dekedda Berbera.

Waxaanu halkan idiin ku soo gudbinaynaa warbixin ku saabsan kontaynar ku gubtay maanta Abaaro 11:00-am Duhurnimo, Taariikhduna ahayd 27, June 2017, kontaynar kaasoo ay ku jireen Walxo Kiimiko ah kuwaasi oon loo soo yeelin wax calaamad ah oo muujinaysa khatarnimada shixnada kontiinarkaasi ku jirta sida uu dhigaayo xeerka calamiga ah ee shixnadaha khatarta ah ee la mariyo marin badeedada (international maritime dangerous good code) .

Hadaba ganacsadaha konteynarkan lahaa wuxuu ka been sheegay Manifeska konteynarkan oo uu walxaha ku jiray uu magac kale u bixiyay amaba ku sheegay.

Kontaynarkan maanta qarxay wuxuu ahaa hadhaagii kasoo hadhay qaraxii kontanarkii hore ee dekada hore qarax u sababay 18 June, 2017 oo meel cidlo ah la dhigay taasi oo dekeda ka baxsan.

Waxa wali socota baadhitaan Shirkada DP World Berbera iyo Ciidanka CID iyo booliska degmada Saaxil ay ku wadaan ganacsadihii alaabta lahaa iyo Xaqiiqda nooca Kiimiko ah ee konteynarka ku jiray.

Shirkada DP World waxay caddaynaysaa inaanu jirin wax dhibaato Maal iyo Naf ah oo soo gaadhay shaqaalaha dekedda iyo dhamaan badeecadihii kale ee dekedda yaalay laguna guulaystay in lasoo afjaro qiiqii iyo qaraxii konteynarkaas, islamarkaasna dhamaan shaqadii dekedu ay u socoto sidii caadiga ahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here