Turkiga Oo Duqeeyey Qaybo Kamida Dalka Suuriya+CiddaUu Weeraray

0
563

Militariga Turkiga ayaa sheegay maanta in ay burburiyeen bartilmaameedyo Kurdish-ka Syria ay leeyihiin ayaga oo uga aargudanaya gantaalo ay ku rideen ciidamada Turkiga uu taageero ee ku sugan waqooyiga Syria.

Bayaan kasoo baxay ciidamada Turkiga ayaa lagu sheegay in isku dhacyadu ay ka dhaceen deegaanka Afrin.

Kooxda Kurdish-ka ee YPG ayaa qeyb ka ah mucaaradka Mareykanka uu taageero ee Syria ee dagaalka kula jira kooxda Daacish, islamarkaana doonaya inay ka saaraan magaalada Raqqa ee caasimadda u ah kooxdaas.

Si kastaba, Turkiga ayaa aad uga soo horjeeda kooxdan oo ay u arkaan inay xidhiidh dhow la leedahay kooxda PKK ee dagaalka ka waday koonfurta Bari ee Turkiga, tan iyo sanaddii 1980-kii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here