Maraykanka Oo War Cusub kasoo Saaray Dadka Doonaya Fiisaha Waddankaasi

0
627

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa soo saaray shuruudo cusub oo looga baahan yahay dadka dal ku gal ka soo dalbanaya lix dal oo ay Muslimiintu ku badan yihiin iyo qaxootiga, waxaana looga baahan yahay in ay “qaraabo dhaw” ama xidhidh ganacsi ku leeyihiin Maraykanka.
Shuruudahan saamaynaya dadka ka imaanaya Soomaaliya, Liibiya Suuriya, Suudaan iyo Yemen ayaa dhaqan galaya habeennimada Khamiista.
Waxaa la soo saaray ka dib markii maxkamadda sare ay qayb ahaan soo celisay xayiraaddii socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump.
Xayiraaddaas socdaalka oo marun baday dhalisay waxaa markii hore hor istaagay maxkamado hoose.
Qaraabo dhaw waxaa lagu qeexay, waalid, xaas, carruur, wiilka iyo gabadha sodoh ama sodog loo yahay iyo walaalo.
Qaraabo dhaw waxaa laga reebay ayayda iyo awawga, eedooyinka, habaryaraha, adeerada iyo abtiyaasha, gabdhaha iyo wiilasha ay walaaladaa dhaleen, xididka, qaraabada kale iyo carruurta ay carruurtaadu dhaleen.
Waxaa mamnuucitaanka laga reebay dadka dadka xidhiish ganacsi ama mid waxbarasho la leh dalka Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here