Maydadka Badan Oo Baddu Soo Tuftay Lagana Helay Xeebta Liido+Ogow Sababta

0
610

Maydadka ilaa lix dhallinyaro ah ayaa laga helay xeebta liido oo ku taala caasimada Soomaliya ee Muqdisho.
2 mayd ayaa markii hore baddu soo tufay kuwaasi oo ay arkeen dadka xeebta joogay waxaana lagu war galiyey maamulka degmada Cabdicasiis oo ay ka tirsantahay xeebta liido, hasayeeshee waxay maydadkii markii dambe gaadheen ilaa lix qof.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Cabdicasiis oo u waramayay idaacadda BBC ayaa u sheegay in maydadkaasi ahaayeen dhallinyaro u dalxiis imid xeebta.
Xilligan Badda ayaa aad u kacsan magaalada Xamar, waana markii u horeysay ee tiro intaa leeg ay baddu liqdo hal maalin gudaheed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here