Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kormeer Ku Tagay Qaar Kamida Wasaaradaha Dalka

0
565

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa waxaa uu saaka kormeer kadis ah uu
ku soo maray qaar ka mid ah wasaaradaha dalka , isla markaana uu soo indho indheeyey qaabka ay wasaaradaasi shaqada u wadaan .
Madaxweyne ku xigeenka oo iminka ah ku sii simaha madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa wasaaradaha uu soo booqdey Wasaarada Xanaanada Xoolaha , Wasaraada Caafimaadka , Wasaarada Boosaha , Wasaarada Beeraha , Wasaarada Ganacsiga iyo Wasaarada Duulista waxaana uu dhamaantood uu kala kulmay wasiirada ama wasiiro ku xigeenada wasaaradaasi masuulka ka ah marka laga reebo hal wasaarad oo aanu madaxweyne ku xigeenku ugu tagin Wasiir , Wasiir ku xigeen iyo Wasiiru Dawle midna
Wasaaradan ayaa waxaa ay tahay wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland , kaliya madaxweyne ku xigeenku waxaa uu wasaaradaas ugu tagay Agaasimaha guud .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here