Siyaasiga Abiib Timo-Cad Oo Cadeeyay Xisbiga Uu Ku Biirayo

0
574

iyaasiga Abiib Diiriye Nuur (Abiib-timacad) ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay inuu dhawaan ku biirayo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, isagoo dhawr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyay ka tirsanaa xisbiga talada haya ee KULMIYE.

 

Siyaasi Abiib-timacad oo Geeska Afrika u waramay wuxuu sheegay in isaga iyo siyaasiyiin kale oo culus oo aanu magacaabin ay dhawaan cududooda ku biirin doonaan xisbigaas mucaaradka ah, “Waan kuu xaqiijinayaa inaan dhawaan ku biirayo xisbiga Waddani oo aan u arko xisbi Somaliland badbaadin kara, muddo ayay wada hadalo noo socdeen, haddana wada hadaladii way dhammadeen.” ayuu yidhi Abiib-timacad, waxaanu intaas raaciyay “Markaas aniga iyo rag kale oo culus oo aanan hadda magacaabayn waxaanu dhawaan ka mid noqonaynaa xisbiga Waddani.”

Abiib-timcad oo la hadlaya taageerayaashiisa wuxuu yidhi, “Taageerayaashayda oo aan badankooda uga waramay arrintan, waxaan haddana u sheegayaa inay sidaas ula socdaan, waxaanan taageerayaashayda uga mahadcelinayaa sida ay 30-kii sannadood ee u dambeeyay ii soo garab taagnaayeen.” sidaas ayuu Abiib Diiriye Nuur ku soo gunaanaday hadalkiisa.

Abiib-timacad ayaa KULMIYE ka tirsanaa 12-kii sannadood ee u dambeeyay, isagoo horena uga tirsanaa xisbigii UDUB, waxaanu ka mid noqday siyaasiyiinta KULMIYE sida weyn u gaadhsiiyay gobalada galbeedka oo la aaminsanyahay inuu Abiib ka yahay jookar siyaasadeed, waxaanu qayb weyn ku lahaa guushii KULMIYE ee doorashadii 2010, waana sababta uu hadda isugu arko inuu Waddani u horseedayo guul siyaasadeed oo horleh.

Abiib ayaa golaha wasiirada Madaxweyne Siilaanyo iska casilay bishii March ee 2015, waxaanu is casilaadiisa sabab uga dhigay xaaladda dalka oo halis ku jirta.

Abiib ayaa afartii madaxweyne ee soo maray Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu mid walba ka mid noqday golihiisa wasiirada, waxaanu hore uga mid ahaa mujaahidiintii SNM ee dalka xoreeyay oo uu ku jiray dhawrkii mujaahid ee ugu hor talaabay.

Xigasho Geeska

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here