Dawladda Muqdisho Oo Xaqiijisay In Ay Maamulk Hawada La Soo Wareegayaan+Qalab Cusub Oo Keensadeen

0
589

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay talaabo muhiim ah hore ugu qaaday

sidii loo soo wareejin lahaa maamulka hawada kaddib markii maanta ay la soo wareegtay Raadeer cusub oo qeyb ka noqon doona mamaulka iyo gacan ku haynta hawada dalkii la isku odhan jiray Somaliya oo in ka badan 20 sano laga maamulayey dalka Kenya.

Dawladda Somaliya waxaa ay sheegtay in ay bilaawday dhismaha qalabkan sida uu sheegay wasiirka duulista iyo gaadiidka hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.

Dhinca kale Wasiirku muu sheegin waqtiga rasmiga ah oo ay dowladdu la soo wareegi doonto maamulka hawada, hasse ahaatee waxaa uu sheegay in talaabadan ay qaadeen tahay mid hor dhac u ah qorshaha dowladda oo muddo dheerba soo socday.

Qalabkan ay dhismihiisa bilaawday dowladda ayaa lagu sheegay in uu yahay mid casri ah oo inta badan xitaa aan laga isticmaalin dowladdaha Africa waxaana lagula socon doonaa hawada Soomaaliya.Dhinaca kale in maamulka Hawda lagu wareejiyo dalka Somaliya waxaa si aad ah u diidan xukuumada Somaliland oo sheegtay in aanay iminka ka mid aheyn dalkii Somaliya isla markaana ay Somaliland xaq u leedahay in maamulka hawadeed ay gooni u maamulato

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here