Maxamed Nuur Carraale (DUUR) Oo Sheegay Inay Wanaagsan Tahay In Cidda Dhaliilaysa Xukuumaddu Aanay Hore Uga Soo Mid Noqon

0
489

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo xilligan ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa Wareysi dheer oo lala yeeshay kaga hadlay Arrimo badan oo khuseeya Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka, Loolanka Xisbiyadu ugu jiraan Doorashada Madaxtooyada iyo Arrimo kale oo muhiim ah.

Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo wuxuu Wareysigan eedaymo ugu jeediyey Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, isagoo sheegay in aanay muuqan ifafaalooyin muujin kara in Xisbiga KULMIYE uu mar kale talada Dalka ku guuleysto, taasi oo uu ku sababeeyay in Masuuliyiinta Xisbigaasi aanay isku duubnayn, isku calool ahayn isla-markaana Rag badan oo Muhiim u ahaana ay Xisbigaa iskaga tageen.

Mr. Duur oo lagu wareystay Barnaamijka HAL-ADAYG ee Telefiishanka HCTV, ayaa isagoo ugu horreyn ka jawaabaya Su’aal laga waydiiyey waxa jira inuu dib ugu laabanayo KULMIYE oo uu ku biirayo, ayaa yidhi “Xisbiga KULMIYE waa Xisbi aan ka tirsanaa, Saaxiibbo badanna waan ku leeyahay, laakiin Markaa aniga Qorshaha iiguma jirto (inaan ku biiro). Waayo? Siyaasaddu waa Tacab iyo Maalgeshi, Bani-aadamku wuxuu Maalgeshadaa wixii dhisme iyo Mustaqbal leh, Xisbiga KULMIYE hore ayuu u kala jabay, haddana Hambadaa ku hadhay Xisbiga KULMIYE waxay qarka u saaran tahay inay kala yaacdo oo Talo-xumaan baahsan baa heshay. Markaa aniga Qorshaha iiguma jirto (inaan ku biiro), Meheradda kacaysa miyaad maalgeshataa, Hantidaada kuma aamintid, Tacabka aan gelayo ee Siyaasiga ah iyo Mustaqbalku uma arko inuu KULMIYE ku jiro, waxaanan u arkaa KULMIYE inaanu Siyaasadda dambe ku guulaysan karin, in talo-xumo badani dhex taallo, qaybsan badan baa jira, horena u burburay oo uu kala dhaqaaqay.”

Duur oo Dhaliisha uu u jeediyey KULMIYE sii wata ayaa sheegay “Hal-doorkii Xisbiga KULMIYE hoggaamin jiray, ee Axmed (Madaxweynaha) u doortay inay Dawladda Hoggaamiyaan way ka dhaqaaqeen KULMIYE, markii horena KULMIYE wuxuu lahaa laba KULMIYE, KULMIYE lagaga guuray Guri-caskii lagu guulaystay ee Xaruntii Xisbiga iyo KULMIYE qabtay Xukuumadda, kuwaasina iskuma San-bannaana illaa Maanta, Wada-shaqayntooduna way liidataa, Hambada KULMIYE kuma wada joogto Kalgacayl iyo isku xidhnaan, quluubtoodu iskuma wanaagsana.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Markaa meel Qof weyn oo Siyaasi ah oo bahasha Mustaqbalkeeda arki karaya ama Odoroskeeda wax uga muuqdaan, markaan meesha ma taallo wax Aniga oo ka tagay aan dib ugu noqdaa.”

Duur oo la waydiiyey sida uu ku ogaaday dhaliilaha uu ka sheegay Xisbiga KULMIYE, maaddaama oo uu Xisbiga WADDANI ka tirsan yahay, ayaa ku jawaabay “Waxaan Xog-ogaal ugu ahay, si aanaan Xog-ogaal ugu ahayn ka aan Maanta ka tirsan nahay (ee WADDANI), Waayo? Xisbiga aan Maanta ka tirsanahay waa Xisbi yar oo Yab-yab ah oo ah Xisbiyada ugu da’da yar, oo aan soo gelin dhaqaaq dheer.”

Mr. Duur oo la waydiiyey sababaha keenay inuu Xisbiga WADDANI uga dhex muuqan waayo isla-markaana loogu arki waayay Fagaarayaasha uu Xisbigaasi ku iibiyo Barnaamijkiisa siyaasadeed, ayaa sheegay in is-muujin la’aantiisa ay sabab u tahay inuu ka mid ahaa Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee uu hadda ka soo horjeedo, sidaa darteedna sheegidda Dhaliilaheeda ay kaga qurux badan yihiin Dadka aan ka soo mid noqon, “Aniga ka muuqasho la’aantayada Xisbiga sabab baa keentay, waxaanan uga muuqanayn Anigu Xukuumadda Xil-baan ka soo qabtay, Raggii Sahanka KULMIYE ahaa ee (Dadka ku) lahaa Barwaaqo ayaa la degayaana waan ahay, markaa waxaan is leeyahay Dhaliisha baahsan ee Xukuumaddani la timid waxa ka faa’idaysan karta oo ay Carrabkeeda ku wanaagsan tahay Cid aan ka soo mid noqon, markaa waxaan fursadda siinayaa Siyaasiyiinta Da’da yar iyo Ragga kale ee Maanta Xisbiga ka shaqeynaya.”

Maxamed Nuur Carraale oo la waydiiyey sida uu Shacabka ugu qancin karo  inay Madaxweyne u doortaan Musharraxa Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), maaddaama oo aanay Bulshadu hoggaamintiisa eegayeen 12-kii Sannadood ee u dambeeyay, ayaa ku jawaabay “Xeer-dejinta iyo Xukuumaddu waa laba Shaqo oo kala duwan, Shaqada Golaha Wakiillada taallaa waa Shaqo wadareed aan Qofka gaar ahaantiisa loo tijaabin, Goluhu wuxuu Qaraar ku qaataa xagguu u bato (Codadka Xildhibaannadu), waxaana lagu qasban yahay in Xildhibaanka fadhiyaa uu wixii loo bato qaato, Guddoomiyuhu Codna malaha, doodna malaha ee wuxuu guddoomiyaa wuxuu Goluhu gaadho. Markaa Cabdiraxmaan wuxuu ku guuleystay in Gole 82 Xildhibaan ah oo kala Fikir iyo Asxaab ah inuu 12 sannadood Oday u noqdo, deganaan iyo Odaynimo ku wado, Cabdiraxmaan waxa ku hadhay in lagu tijaabiyo Himiladii ahayd tii fulinta ee Go’aanku Naftiisa ka go’ayey, tanna (Wakiillada) kuma guul-daraysan, ta kalena waa mid aan la fur-furin oo ku dhiman.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in sababta KULMIYE oo aqlabiyadda Xildhibaannada Golaha Wakiillada haystaa 12-kaa Sannadood u beddeli waayay Cabdiraxmaan-Cirro ay tahay in aanay Cid dhaanta haynin, Hoggaaminta Golaha Wakiilladana ay iyagu ku ilaaliyaan, “Xisbiga ugu badan Goluhu waa KULMIYE, haddana inay Cabdiraxmaan beddelaan way diideen oo ma ogola, mana jecla in la beddelo, sababtu waa maxay? Beddelka Booska Cabdiraxmaan buuxintiisu 55 xildhibaan ee KULMIYE sheeganayo way ku adag-tahay, ma jecla in Cid kale hoggaamintaa (Wakiillada) fadhiisato, Cid isaga u dhaanta oo ay hayaanna ma jirto, way beddeli lahaayeen (Hadday hayaan Cid dhaanta), markaa Maanta inuu isagu iskii uga tago mooyaane Cid beddelaysaa ma jirto.”

Ugu dambayn, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo la su’aalay haddii Musharrax Cirro doorashada ku guuleysto, marka uu Madaxweynaha noqdana uu beddelo Qorshihii iyo Siyaasaddii uu Xisbiga WADDANI doonayey in Xukuumaddu u shaqeyso waxa isaga u meel yaalla, ayaa wuxuu ku jawaabay “Siyaasaddu waa Rog-rogis, markaa waanu tijaabinaynaa WADDANI, taladuna waxay ku ururi doonta Qofka Hoggaamiyaha noqda, markaa waalla tijaabinayaa, hadduu Tijaabada ka soo bixi waayo oo uu wanaagsanaan waayo waa laga tagayaa (Cirro), illaa inta Qof Wanaagsan imanayo ka wanaagsanaan waaya waa laga tagaa, in laga tagana waa Danta Shacabka, Waayo? Siyaasadda waalla Rog-rogaa ee rasmi maaha, waa wax Waa-walba wixii jira aad ku qoondayn karto.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here