Gudoomiyaha Xafiiska Diiwaanka Zakada Oo Ku Baaqay In Magaca Laga Badalo Carwada Buugaagta Hargeysa Iyo Magac Cusub Oo Uu Soo Jeediyey

0
446

Sheekh Siciid Maxamed Faarax Jire oo ka mid ah culimada reer Somaliland isla markaana ah gudoomiyaha xafiiska diwaanka zakada ayaa ku baaqay in carwada buugaagta ee Hargeysa (Hargeisa Book Fair) loo bedelo carwada buugaagta Somaliland ‘Somaliland Book Fair’, si buu yidhi ay uga qayb qaadato aqoonsi raadiska.

Sheekh Siciid oo hadal ka jeediyay furitaankii Hargeisa Book Fair, wuxuu sheegay in carwadani magac u soo jiiday Somaliland, sidaas darteed loo baahanyahay in la balaadhiyo loona bedelo Somaliland Book Fair “Waxay ku fiicnayd.” ayuu yidhi, “Maadaama oo uu dalku baahida weyn ee uu u qabaa tahay aqoonsi in Hargeisa Book Fair laga dhigo Somaliland book fair

si ay wax uga tarto gacana uga gaysato aqoonsiga.”

Sheekh Siciid, ayaa waxa kale oo uu ku baaqay in shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada reer Somaliland ee bilaa camalka u badan, isagoo dhallinyaradana ugu baaqay inay ka xoroobaan balwadaha iyo qabyaaladda maadaama oo ay yihiin mustaqbalka dalka, waxaanu aad ugu guubaabiyay inay joojiyaan tahriibka oo noqday aafo qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here