Cali Warancade Oo Ka Hadlay Xaalada Uu Dalku Marayo Iyo Tallo U Siiyey Saddexda Xisbi Qaran

0
710

La-taliyaha Khaaska ah ee Madaxweynaha ahna Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde ayaa mudo badan ka dib warbaahinta ka soo dhex muuqday waxaana fariin uu saxaafadda mariyey wer wer kaga muujiyey Somaliland sida ay u noqon doonto Siilaanyo dabadii.

Cali Waran-cadde waxa uu cadeeyey in ay Somaliland dariiq madow ku socoto marka loo eego raga kursiga Madaxweynaha ku tartamaya iyo heerka ay qabyaalada ka joogaan waxaana uu yidhi.  “Waad ogtihiin oo waxaan ku jirnaa wakhti doorasho hamsami u socodka Doorashada waxa ka soo baxayey maalmo dhawayto Warbaahinta waxaad moodaa in aanay ku haboobayn sidii loogu talo-galay inay ku socoto nidaamka doorashadu iyo tartanka asxaabtu iyo hamsami u socodka tartanka asxaabtu  uu u muuqdo mid aan aad u wanaag sanayn marka aad u eegto dhacdooyinkii maalintii dhawato dhacay.”

La-taliyaha Khaaska ah ee Madaxweyne Siilaanyo waxa uu soo bandhigay shardiga iyo shuruudaha looga fadhiyo loogana baahan yahay madaxda xisbiyada ee doonaya in ay Siilaanyo xilka kala wareegaan waxaana uu yidhi. “waxa looga fadhiyaa madaxda cusub ee tartanka ku jirta in ay la yimaadaan milgo haboon oo ilaalinaya walaaltinimada shacabka iyo midnimada qaranka oo ka fog qabyaalad iyo gobolaysi ayaa looga fadhiyaa madaxda cusub ee u socota in ay hogaanka dalka qabtaan sidaa awgeed asxaabta qaranku waxa ay xaq ugu leeyihiin shacabka reer Somaliland in ay waydiistaan codka shacabka si ay hogaaminta dalka ugu soo baxaa laakiin asxaabta qaranku xaq uguma laha shacabka in ay ku hagaan ficilo khal khal galinaya nabad galyada qaranka.” Ayuu yidhi Cali Maxamed Waran-cadde La-taliyaha khaaska ah ee Madaxweynaha Somaliland.

Waa siyaasigii ugu horeeyey ee xukuumada ka tirsan oo si toos ah wer wer uga muujiya Mustaqbalka Somaliland galayso ka dib Madaxweynaha xilka kala wareegaya Siilaanyo ama Doorashada ka dib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here