BUUHOODLE: Xildhibaanada Khaatumo Oo Xilkii Ka Qaaday Madaxweyne Ku Xigeenkii Khaatumo

0
506

Baarlamaanka Maamulka Khaatumo oo maanta kulan deg deg ah ku yeeshay Magaalada Buuhoodle ayaa xilkii ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii maamulka Khaatumo. Kulanka Baarlamaanka maamulka Khaatumo ay Maanta yeesheen ayaa ahaa mid Mooshin xilka qaadista ah qaar ka mid ah xildhibaanadu ay kasoo gudbiyeen madaxweyne ku xigeenka khaatumo Cabdalle Maxamuud Haybe .

Guddoomiyaha Baarlmaaanka Maxamuud sheekh Cumar ayaa halkaasi ka sheegay in cod Aqlabiyad ah xilkii lagaga qaaday madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo Cabdale Maxamuud Haybe.

Mooshinkan xilka lagaga qaaday ku xigeenka Cali Khaliif ayaa timid ka dib markii uu ka hor imid wadahadaladii Dawladda Somaliland iyo Khaatumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here