WAR DEG DEG AH: Weerar Hadda Ka Dhacay Xarunta Barlaamanka Somaliland+Guddoomiyaha Cusub Oo Uu Weeraray Xildhibaan Koore Iyo Dirawalkiisa Oo Rasaas Ku Furay Ciidamada Ammaanka

0
421

Barlaamka Somaliland ayaa waxa hadda ka dhacay weerar lasoo sheegayo inuu gaystay Xildhibaan Saleeban Cali Koore iyo dirawalkiisa gaarka ah.
Sida wararka ay shabakadaa Qoryaalennews.com ka helayso xarunta Barlaamku sheegayaan waxa weerarka geystay Xildhibaan Saleeban Cali Koore kaasi oo uu ku qaaday Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax.
Dirawalka Xildhibaan Koore ayaa isna Rasaas ku furay ciidamada Ammaaka ee ku sugnaa Xarunta Barlaamanka Somaliland.
Xildhibaan iyo dirawalkiisa ayaa xabsiga loo taxaabay, iyadoo halkaasi uu soo gaadhay Taliyaha guud ee Ciidamada Booliiska Somaliland.
Lama oga sababta weerarkan dhalisay, laakiin Xildhibaan Saleebaan Cali Koore ayaa waxa uu aad uga soo horjeedaa inuu kursiga guddoomiyaha Golaha Wakiillada uu ku fadhiisto Baashe Maxamed Faarax oo ay isku Xisbi yihiin.
Wixii warar ah ee kasoo kordha dhacdadan goor dhow filo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here