Golaha Wakiiladda Oo Saaka Albaabada Loo Furayo Xildhibaanadii Oo Layskugu Yeedhay Iyo Xukuumadda Oo Ka Hadashay

0
343

Hargaysa (QORYAALE)Waxaa saaka si rasmiya ufurmaya golaha wakiilda Somaliland taas oo uu shirgudoominayo guddoomiyiihii xilka loo cumaamadey baashe maxamed faarax taas oo xildhibaanada lagu wargaliyey inay ka soo xaadiraan kalfadhiga bari.

Waxase ilaa hadda aan la aqoonsanayn ujeedka uu daaran yahay yeedhmada xildhibaanada walow ilo xogogaala oo diiradda ku haya dhaq-dhaqaaqooda uu wargeyska sahan usheegeen in xildhibaanada bari laysugu yeedho iyadoo laysla eegi doono mad-madowgii waddani tirsanayey ee golaha soo kala dhexgalay.

Wasiiru-dawlaha wasaaradda Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa jawaab sal balaadhan waxa uu hawada u mariyey maamulka Puntland oo sheegay in ay isku hubaynayaan shacabka Somaliland si dhexdooda dagaalo maadhafaan ahi uga dhacaan.

Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in Puntland kaligeed odhan kari wayday Sool iyo Sanaag ayaan ka dagaalamaynaa waxaana uu ayaan daro ku tilmaamay in wasiirkii hadlay uu sheegay in shacabka Gobolada Sool iyo Sanaag dagaalamaan iyaguna ay bar bar taagan tihiin taasina ay tahay qorshaha astaanka lagu garto koox beeleed fashilantay oo tahli kari wayday in ay iskeed talaabo u qaado.

Wasiiru-dawlaha oo ka jawaabayey hadal shalay Puntland ku shegtay in aanay Somaliland wax kaadh qaadasho ah ka qaban Karin Sool iyo Sanaag ayaa waxa uu sheegay in hadalkaasi laab lakac iyo wax aan fulintiisu dhici Karin ku tilmaamay waxaana uu Puntand ugu baaqay inay nabada ka shaqayso.

Ugu horayn Wasiru-dawlaha wasaaradda arimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye waxa uu fariin gaashaamaysi ah u diray shacabka Somaliland gaar ahaan kuwa gobolada bari oo uu ugu baaqay in ay cadawga ka feejignaadaan waxaana uu yidhi. “Wasirku waxa uu sheegay in halkaas wax dhibaato ah aanay ka dhicin wasiirka warfaafinta ama wasiir ku xigeenka warfaafintu kuu doonaba ha ahaadee warkaa uu sii daayey wuxuu yidhi dadka reer Sool iyo Sanaagow hawshaa diida anaguna waan idinku garab joognaa sidii ruushka muu odhan Puntland ayaa talaabo qaadaysa laakiin dadweynaha reer Somaliland ayuu yidhi waydinkaa dadweynuhuna way dhagaysanayaan oo way maqlayaan waxaan filayaa inay iska laab la kac uun tahay dadkuna kuma jiboodaan wan idin garab taaganahay dadweynaha Sool iyo sanaag waa reer Somaliland halka ay yihiina loo sheegi maayo.”

Ugu Danbayn Wasaaradda arimaha guduhu waxa ay shaacisay in golaha wakiilada Somaliland u xidhan yahay Gudoomiyaha cusub ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo uu sheegay in uu isagu bixiyey amar golaha lagu xidhayo mudo todobo casho ah waxaana wasiiru-dawluhu yidhi. “Ninkii golaha lagaga dhawaaqay ee Gudoomiyaha ahaa ayaa yidhi todobo casho ha inoo ahaato inta ay u xidhan tahayna waa intaa marka ay todobadii maal-maad dhamaatana waa la furayaa golaha wax mushkilad ah oo jirtaa ma jirto.” Ayuu yidhi Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda arimaha Gudaha Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here