kulan saabsan Dhismaha iyo horumarinta Degmada cusub ee Dacarta oo lagu qabtay Hargeysa

0
568

Garabka Dhalinyarada ee Guddida horumarinta TALOSAME oo kulan balaadhan u qabtay Aqoonyahanka iyo Dhalinyarada ka soo jeeda Degmada DACARTA iyo masuuliyiin ka qayb-galay…

Hargeysa()-Garabka Dhalinyarada ee Guddida horumarinta TALOSAME, ayaa kulan balaadhan oo ay soo qaban-qaabiyeen xalay lagu qabtay Hudheelka Green Plaza ee Magaalada Hargeysa,kaasoo ay ka qaybgaleen xubno kamida Guddida sare ee Talosame, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd, sidii ay garabka dhalinyarada ee Guddida Talosame iyo Dhalinyaradu isugu xidhmi lahaayeen, islamarkaana Qaadhaan loogu uruurinayey dhismeyaal iyo xarumo laga dhisayo, Degmada cusubee  Dacarta, ayaa waxa kale oo ka qayb-galeyaasha lagu baraarujiyey inay u midoobaan horumarinta danta guud ee deegaanka.

Ugu horayn waxa halkaa ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Dhalinyarada Talosame Cabdilaahi Qabaase iyo Afhayeenka Guddidaas Xasan Qowdhan, kuwaasoo sharaxaad ka bixiyey ujeedada kulanka iyo qorsheyaasha ururka ee Mustaqbalka, waxaanay sheegeen in garabka dhalinyarada ee Guddidan la aasaasay muddo lix bilood hadda laga joogo, muddadaasna ay wax badan qabteen, isla markaana ay ku talo-jiraan inay sameeyaan Sanduuq dhaqaale oo ay dhalinyaradu leedahay, kaasoo lagu dabooli doono howlaha horumarinta Dhalinyarada.

Waxa kale oo ay halkaas uga mahad-naqeen Wasiir-u-dawlaha Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Yusuf Cismaan Garas, oo gacan ka siiyey qabsoomida kulankan, isla markaana mar walba garab taagan fikir iyo ficil wixii ay uga baahdaan.

Guddoomiyaha Ururka Dhalinyaradan, Cabdiqani Axmed Xasan oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa tilmaamay in kulankani bilow u yahay qorsheyaal ay doonayaan inay isku-xidh ugu sameeyaan dhalinyarada, si looga war hayo caqabadaha guud iyo midka gaarka ee la soo dersa. Guddoomiyuhu waxa kale oo uu halkaa kaga dhawaaqay Sanduuqa horumarinta dhalinyarada oo uu ka codsaday in laga qayb-qaato.

Eng. Axmed Cabdi Ibraahim oo kamida Murrashaxiinta u taagan Golaha Wakiillada, Aqoonyahan Liibaan Cabdi Xasan (Shaadiro), Prof. Mustafe Xasan Muxumed (Alkhaliili), Aqoonyahan Axmed-nuur Xuseen Faarax iyo xubno kale oo kamida aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta munaasibada ka soo qayb-galay, oo iyaguna halkaas uga jeediyey dhalinyarada kelmedo isugu jira tallooyin iyo dhiiri-gelin, ayaa sheegay in horumarka iyo dhismaha bulsho yimaado marka loo midoobo danta guud, sidaas darteed loo baahan yahay inay dhalinyarada iyo aqoonyahanka ka soo jeeda Deegaanka Dacartu u muruq iyo maskax mideysan ku waajahaan horumarinta dannahooda.

Xubnahan, ayaa si gaar ah diirada u saaray sidii loogu hagar-bixi lahaa dhismaha kaabeyaasha Bulsho ee Degmada Dacarta, iyagoo dhalinyarada kula dardaarmay inay xooggooda iyo xirfadaha ay barteenba uga faa’ideeyeen, lana shaqeeyaan guddida sare iyo cid kasta oo ku foogan horumarinta degmada.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddida horumarinta Beesha Toljecle ee TALOSAME Axmed Aw Xuseen Furre, ayaa isaguna sharaxaad ka bixiyey Mashaariicda kala duwan ee ay guddidu qabatay sanadkan iyo halka ay marayso qabanqaabada xafladda loogu wanqalayo Degmada cusubi , waxaanu dhanka kale baaq u diray Ganacsatada iyo Qurbo-jooga Beesha oo uu u soo jeediyey inay Muruq iyo Maalba u huraan horumarinta Deegaamada Beeshu degto.

Guddoomiye Furre, waxa uu sheegay in guddidu kaalin mugle ka qaadatay samato-bixinta dadkii ay abaartu saameysay, sidoo kalena Mashaariic horumarineed ka wado gudaha dalka iyo deegaamo dhinaca Itoobiya ah oo Beeshu degentahay. “ Guddidu waxay gacanta ku haysaa dhismaha Dugsiga sare ee Lafo-islaamood oo meel fiican marayso, kaasoo lagu dhisayo Iskaa wax u qabso. Waxa lale oo iminka la bilaabay dhisme weyn oo laga dhisayo xarunta Degmada Dacarta iyo howlo kale oo badan oo dhamaantood loo baahan yahay inaad ka qayb-qaadataan” ayuu yidhi Axmed Aw Xuseen Furre.

Ismaaciil Cabdilaahi Cali oo kamida Guddida Diwaan-gelinta Ururrada Siyaasada iyp ansixinta Asxaabta Qaranka oo gabagabadii Munaasibadaas hadal ka jeediyey dhalinyarada kula dardaarmay inay howlaha horumarinta danta guud halkaa ka sii wadaan, isla markaana aanay ka daalin “ Dhalinyarooy horumarka maanta aad sameysaan iyo wixii la qabto waa wax idinka idin anfaca oo aad u da’yartihiin, sidaas darteed intiina shaqeysa iyo intiina awoodi kartaaba waxa loo baahan yahay inaad howshaa degmada iyo wixii kale ee dan guud ahba ka qayb-qaadataan oo aad xooga hurtaan”. ayuu ku booriyey dhalinyarada.

Masuulkan, ayaa sidoo kale tilmaamay inay dawladdu doorkeeda ka qaadanayso horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee Degmada, loose baahanyahay inay Bulshaduna kaalinteeda ka qaadato, si ay u noqonto degmo isbixisa oo la tartanta degmooyinka kale ee faceeda ah.

Gabagabadii, waxa halkaa lagaga dhawaaqay qadar lacageed oo ay  ku yabooheen dadkii kulankaa ka qayb-galay, waxaanay Guddidu duco iyo mahad-naq u jeediyeen dadkii halkaa lagaga dhawaaqay qaadhaanka iyo kuwii hore u bixiyey oo ay alle uga baryeen inuu Miisaanka xasanaadka ugu daro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here