DEG DEG:War Cusub Oo Hadda Kasoo Kordhay Duqayntii Jasiirada Guam, Miyaa la Duqeeyay?

0
475

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa dib u eegis ku sameeyay qorsheyaasha gantaalada loogu garaacayo jasiiradda Guam ee dalka Maraykanka, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanka. Marka horena wuxuu dalkaasi eegi doonaa ficilka uu Maraykanku qaado.

Inkastoo ay u diyaargaroobeen “duqaynta Guam” hadda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in ay eegi doonto go’aanka Maraykanka.

Toddobaadkii hore ayay cirka isku shareertay hanjabaadda Guan, ka dib markii ay labada dal sare u qaadeen cago juglaynta ay isu jeedinayaan.

Warbixinta wakaaladda wararka dawladda ee KCNA ayaa lagu sheegay in Kim Jong-un uu “qiimayn ku sameeyay qorshaha wakhtiga dheer” uuna arrintan kala hadlay saraakiisha sare ee milatariga.

Taliyaha arrimaha istaraatiijiyadda ee ciidammada Kuuriyada Waqooyi ayaa sugaya in la siiyo awaamiirtii uu ku ridi lahaa gantaalada, ka dib markii uu soo afjaray diyaarinta hubkii lagu ridi lahaa jasiiradda Guam ee dalka Maraykanka.

Guam ayaa hoy u ah saldhigga ciidammada cirka Maraykanka ee Andersen

Laakiin arrinta muhiimka ah ayaa ah in warbixinta lagu qoray in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu isha ku hayan doono go’aanka Maraykanka ka hor inta uusan amar bixinin.

Warka qoraalka ah ee Kuuriyada Waqooyi ayaa yimid ka dib markii uu digniin jeediyay wasiirka difaaca ee Maraykanka James Mattis, isaga oo sheegay in weerark kasta uu si dhakhso ah isugu baddali karo dagaal, haddii Kuuriyada Waqooyi ay gantaal ku riddo jasiiradda Guam-na uu “dagaalku bilaaban”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here