Xildhibaano Xisbiga Kulmiye Ka Tirsan Oo Ka Cawday Isla Xisbigooda

0
606

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi iyo Xildhibaan Cabdillaahi-Balaaki oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ugu jira Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in Xildhibaannada Xisbiga WADDANI ugu jira Golaha oo ay doonayeen inay ka wada-hadlaan Khilaafkii ka dhashay Doorashadii Guddoomiyaha Golaha ay Taladu Gacmahooda ka wareegtay isla-markaan Xubno ka mid ah Xisbiga WADDANI ay soo faro-geliyeen.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi iyo Xildhibaan Balaaki oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiillada ee Hargeysa, ayaa sheegay in Wada-hadallada la doonayo in lagu xalliyo khilaafka ka taagan Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada ay iyagu Fikraddooda lahayaan, kuna raaceen Laba Xildhibaan oo ka mid ah WADDANI, laakiin ay hadda muuqato in labadii Xildhibaan ay ka awood badanayaan Dad ka mid ah Xisbiga WADDANI oo ay sheegeen inay taladii ay Xildhibaannadaasi ku lahaayeen Golaha ay kala wareegeen.

Xildhibaan Siciid oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Xildhibaannada WADDANI hadday diideen Go’aankii Golaha iyo Go’aankii Maxkamadda sare ee weliba iyagu u dacwoodeen, hadday labadiiba diiddan yihiin, ILAAHAY baan idinku dhaarshee maxaanu kala hadli karnaa?, haddii taladooduba ku go’an yahay Cadyahow ku cunay ama ku ciideeyay?.”

Xildhibaan Siciid waxa kale oo uu sheegay “Annaga ayaa lahayn (Xildhibaannada KULMIYE) in Xidlhibaannada la isku keen-keeno, laakiin Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Xildhibaan Talyanle oo ahaa Musharraxii laga helay oo aanu xormaynayno isma arag, laakiin Arrinku annaga ayuu naga yimid, Aqbalkuna wuxuu ka yimid Odayaal dhinaca kale ka socday oo ay hormood u ahaayeen Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde iyo Xildhibaan Waabeeye, laakiin waxa noo muuqata in labadii Xildhibaan ee lahaa aynu wada-hadalno in Garabka lagu riixayo, in Qolyo kale oo WADDANI ahi ay marba Qof wax u sheegayaan, oo Xildhibaannadii WADDANI ee Golaha Wakiillada taladu Gacantooda way ka wareegtay, Qoladaasina waxay ka shaqeynayaan Dano kale oo aynaan imika ka fikiri karin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu sheegaynaa inaanu Wada-hadal diyaar u nahay, laakiin marnaba Wada-hadal kama galayno Go’aankii Maxkamadda sare ku ayidday Go’aankii Golaha Wakiillada.”

Xildhibaanku wuxuu sheegay in aanay marnaba ogolayn in Wada-xaajood laga gelo Go’aankii Golaha Wakiilladu uu Guddoomiyaha ugu doortay Baashe Maxamed Faarax “Haddii Go’aankii Golaha Wada-xaajood laga gelo Dalkanba sii jiri maayo, oo beri Doorashadana hawlo kale ayaa innagu soo baxaya, markaa Albaab xun Dadka laguma furo.”ayuu yidhi.

Xildhibaan Cabdillaahi Balaaki, oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Ninka Go’aankii Golaha Diiddan, ee Go’aankii Maxkamadda Sare diiddani muxuu doonayaa, maxaa laga wada-hadlayaa haddayna meelna ku qanacsanayn.? Ninka kale Maxkamadi ma jirto miyaanu lahayn Dalba ma jiro..”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here