Xildhibaan Rayte Oo Kasoo Dhex Muuqday Xisbul Xaakimka

0
464

Xildhibaan Ibraahim Rayte oo ahaa mishiinkii dhaqaajin jiray xisbiga Mucaaradka ah Ee Waddani bilo ka horna iska casilay xisbigaasi ayaa si rasmi ah u shaaciyey in uu ku biiray xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye oo uu bilowga siyaasadiisa ka soo raad bilaabay balse markii danbe uu Waddani galay.

Ugu horayn Xildhibaan Rayte waxa uu sheegay in uu dib ugu laabtay xisbigiisii Kulmiye waxaana isaga oo shaacinaya ku biirista Kulmiye uu yidhi. “way adag tahay ninkii aan Halkan (Dayaxa) soo marin way ku adag tahay inuu Madaxweyne noqdo waxaan shaacinayaa in maanta oo aynu joogno Dayaxa oo ah aniga deegaankaygii iyo meeshii layga doortay ee aan codka ugu badan ka helay inaan halkan kaga dhawaaqo inaan ku biiray xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye xisbiga Kulmiye oo mudo yar oo aan fogayn aanu kala maqnayn oo xisbigaygii ah oo aan wax ka aas aasay waligayna ku jiray.”

Xildhibaan Ibraahim Rayte waxa uu si adag uga hadlay Cay iyo aflagaado uu Ismaaciil Yare beesha Bariga Burco ku weeraray Madal uu u sacabo tumayey Murashax Cirro waxaana uu Rayte ku baaqay in aan la abuurin colaad beelaha ah waxana uu yidhi. “waxaan maqlayaa Caytan iyo yooyootan iyo aflagaado Gudoomiyaha ama Murashaxa Waddani isaga oo goob jog ah ka soo yeedhaya xisbigiisa mana fiicna wax naxli iyo colaad iyo xumaan dadka ku beeraya inay cidi ku kaanbayn garayso xisbigaa iyo xisbi kalaba waxaan leyahay afka hala dhawrsado.”

Sidoo kale Xildhibaan ayte waxa uu ka hadlay khilaafka golaha wakiilada waxaana uu sheegay in arintaasi markii u darsay uu u fahmay in xisbiga Waddani ku banaysanayo dariiqii uu ku maarayn lahaa guul darada ka soo gaadhi doonta doorashada Madaxtooyada waxaana uu yidhi. “waxan kale oo aan ula yaabay markii horana aan la yaabanaa baaq ka soo baxay xisbiga Waddani oo maxkamada Distooriga ah dhaleecaynaya Maxkamada sare maaha Hay’add siyaasadeed go’aanka ay qaadatayna waa go’aan sharci ah waayo maxkamada Dastuuriga ah uma garnaqdo laba garab oo isku mid ah rag badan oo aan aqoon ku tuhunsanaa waa joogaan meesha waan la yaabay waxaanse ka sii yaabay dhaleeaynta waxaanse is idhi malaha xisbigu waxa uu ka qancay doorashada anigu waanan ogahay xaalkiisa dabadeedna inuu hadhaw ku murmo waayo maxkamadu go’aanka kama danbaysta ah ee doorashada ta ku dhawaaqaysa weeyaan markaa inuu iminka sii bilaabo muranka uu hadhow keeni doono ayaan dee isleeyahay malaha qiil ayey ku banaysanayaan.” Ayuu yidhi Xildhibaan Rayte oo deegaanka Dayaxa ku shaaciyey inuu Kulmiye ku biiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here