Wasiir Mr. Rory Stewart Oo Sheegay Inuu La Mabsuudey Waxqabadka Uu Heenseeyey Wasiir Cali Mareexaan Wacadna Ku Marey Inay Dawladiisu Ka Caawin Doonan Kuwo Kalena Oo Balanqaadey

0
438

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Mudane Cali Xasan Maxamed Ayaa Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayey Wasiiru Dawlaha Horumarinta Uqaabilasan Dawladda Ingiriiska Mr. Rory Stewart.

Weftigan Ka Socday Dawladda Ingiriiska Waxa Hoggaaminayey Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Horumarinta Ingiriiska Mr. Rory Stewart. Mr David Concar (British Ambassador to Somaliland and Soomaaliya),

Mr. Julian Reilly (Head East Africa Department-FCO),

Mr. Donal Brown (DFID-Director of East and Central Africa),

Mr. Phil Evans ( Head of DFID for Somaliland and Somalia),

Waxa kale oo Weftiga la socday Xoghayeyaal iyo hawl-wadeeno ka tirsan Xafiisyada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dalka Ingiriiska.

Wasiirka Hawlaha Guud Kulankan Uu La Qaatay Waftigan Waxa Ku Wehelinayey Maareeyaha Hayadda Wadooyinka Mudane Ibarahim Siciid Cilmi, Agaasimaha Waaxada Qorsheynta Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Ciise Maxamuud, Agaasimaha Qorsheynta Iyo Xidhiidhka Hayaddaha Mudane Yaasiin Cali Aadan. Afhayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane C/raxmaan C/laahi Wirdaani.

Wasiirka Ayaa Kala Hadlay Sidii Ay Usii Wadi Lahaayeen Arimaha Dhinaca Horumarka Ee Ay Awalba Ka Caawin Jireen, Wuxuuna Tilmaamay Sidii Ay Usii Laban Laabi Lahayeeb Arrimahas.

Kulankaas Ballaadhnaa Ee Wasiirku La Yeeshay Waftigan Wuxuu Uga Mahadceliyey Horumarkii Laga Gaadhay Mashaariicdii Ee Ay Hore Uga Caawiyeen Dhinaca Wadooyinka, Iyo Inay Ka Caawiyeen Shaybaadh Ay Yeelato Hayadda Wadooyinka Somaliland.

Wasiirudawlaha Arimaha Dibadda Ayaa Isna Dhinaciisa Ka Mahadceliyey Qaabilaad Wacan oo Wasiirku Xafiiskiisa Ugu Sameyeey, Wuxuuna Tilmaamay Inay Ka Mabsuudeen Si Quruxda Baddan Ee Ay Ufuliyeen Mashriicdi Hore. Wuxuuna Balan Qaadey In Kuwa Danaba Ka Caawin Doonaan Taageeradda Sidii Usii Wadi Doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here