Wasiirka Waxbarashada Oo 24 Saacadood Gudahood Gaadhay Laba Go,aan Oo Aad U Kala Fog

0
444

wasiirka Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane  ayaa 24 saacadood gudahood qaatay laba go,aan oo si weyn iskaga hor imanaya.

Wasiirka waxbarashada Cabdilaahi Ibraahin Habane ayaa agaasimayaasha waaxyaha waxbarashada gaarka ah iyo kormeerka guud ku amray inay baadhis ku soo sameeyaan dugsiyada sare ee gaarka loo leeyahay kuwaas oo qaatay ardayda fasalada koowaad oo aan  wali loo soo saarin natiijada imtixaanaadkii ay kaga soo gudbiyaan fasalada 8aad ee dugsiyada  hoose dhexe.

Agaasimaha waaxda waxbarashada gaarka loo leeyahay Muuse Maxamed Shide ayaa wasiirka gaadhsiiyey in qaar ka mid ah dugsiyada sare ee gaarka loo leeyahay ay qaateen ardaydii fasalada koowaad,

iyada oo aan wali la shaacin natiijada imtixaanka cadaynaya in ardaydaasi ka soo gudbeen dugsiyada dhexe, iyada oo wasiirkuna ku amray inuu shaaciyo inay kala noqdeen ruqsadii ay markii hore siiyeen ee ay ku hawl galayeen,  waxaana ka mid ahaa dugsiyada ay wasaaradu shaacisay  dugsiga sare ee Tomorrow, dugsiga sare ee Ilays 1, Dugsiga sare Shamsudiin imikana la baxay 17, Dugsiga sare ee Amaano, Dugsiga sare ee Caalami, dugsiga sare ee Future iyo dugsiga sare ee Aklas.

Ka dib go,aanka ay wasaarada waxbarashadu ku shaacisay inay ruqsadii kala noqotay dugsiyadaasi ayey maamulayaasha dugsiyada la xayiray  waxay dedaal u galeen inay wasiirka ku qanciyaan falka ay sameeyeen ee ka hor imanayaa sharciyada waxbarasho ee dalka, iyada oo wasiirka waxbarashaduna uu 24 saacadood ka dib sheegay inay dugsiyadaas dib ugu celiyeen ruqsadii ay kala noqdeen.

Wasiirka oo ka hadlaya is afgarad dhex maray maamulayaasha dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwii ay ruqsada kala noqdeen ayaa waxa uu yidhi “todobadii dugsi ee aanu shaacinay inaanu ruqsadii kala noqonay arinkii aanu ku haysanay ee wasaarada waxbarashadu ku haysatay waa laga heshiiyey, mar hadii aanu ka heshiinayna anaguna xayiraadii waanu la noqonay.”

Wasiir Cabdilaahi Dheere ayaa si liidata intaas u raaciyey ““Raga soo shaqeeyey ee agaasimayaashayda ahaana way mahadsan yihiin, hawsha kormeerkuna ay socon doontaa.”

Wasiirka waxbarashada ayaan haba yaraatee soo bandhigin waxa ay isku af garteen dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ay kala noqdeen ruqsadii, balse waxa loo fasiran karaa inuu wasiirkii dan gaar ah ka lahaa ruqsad kala noqoshada dugsiyadaasi maadaama aanu bulshada u soo bandhigin wixii ay heshiiska ku  gaadheen.

Dhinaca kale wasiirka Cabdilaahi Ibraahin Habane ayaa u muuqda mid dhabarka ka jabiyey dedaalkii ay sameeyeen agaasime waaxeedyada wasaarada waxbarashadu, isaga oo go,aankii adkaa ee ay qaateen ka door biday dano gaar ah oo ay isku af garteen dugsiyada gaarka loo leeyahay ee uu ka raacay agaasimayaashiisii hawsha adag soo qabtay.

Si kastaba ha ahaatee talaabooyinka deg dega iyo fudaydka ku salaysan ee uu hadyo jeer qaado wasiirka waxbarashada somaliland ayaan dan u ahayn sidii loo ilaalin lahaa tayada waxbarashada dalka iyo la dagaalanka ficilada lidiga ku ah in kor loo qaado tayada waxbarashada, waxaana wasiirka looga baahan yahay inuu mar kasta si weyn uga fiirsado go,aanada uu qaadanayo si aanu uga daba tagin marka la fuliyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here