BURCO Oo Biyo La,aan Hoy U Noqotay Musuqa Iyo Baylahda Wakaalada Biyaha Burco Oo Isqoorsatay Iyo Mooganaanta Xukuumadda

0
458

Magaalada burco ayaa hoy u noqotay  biyo la,aan baahsan waxaana xaafado ka mid ah burco soo foodsaartay xaalad adag  waxaana biyo la,aanta burco loo sibir saaray maaareeyaha wakaaladda biyaha burco xiligan gacanta ku haya oo lagu fasiray mid habacsanan iyo baylahda xafiiskiisu isqoorsatay kaas oo maaro u waayey inuu gacansiiyo maatida la daala dhacaysa jawiga cakiran ee soo wajahay waxaana wakaalada burco oo gacanta ku haysa masuuliyada awoodeed ee biyaha burco ay wakhti xaadirkan noqotay mid doorkii loo igmadey kaga mashquushay dano gaar ah  qaar ka mid ah maatida la daala dhacaysa biyo la,aanta ku habsatay oo u waramay wargeyska SAHAN  ayaa uga xaal waramay qaylo dhaanta wakhti xaadirkan sababtay inay warbaahinta u soo qayshadaan ugu horayn hooyo xaawa aadan diiriye oo arrimahan ka hadlaysa waxay tidhi” waxaa maanta warbaahinta nagu kalifay inanu ka hadalno waa dan oo waxaanu rabnaa in codkayaga la gaadh siiyo madaxweynahayaga Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  wakaaladii biyaha burco waxay noqotay meel maatida loogu dibiro dhacsado oo inta baahan lagu dulmiyo biyo la,aan baana haysa cabashadayadii maareeyaha wakaalada biyuhu wuu naga hoosqaadi  waayey afar cisho biyo maanu arag awalna maalin biyo maanu waayi jirin foostada biyihu qaali bay nagu noqotay markaa waxaanu codsanaynaa in naloo soo gurmado” cabashadu kuma koobna oo kaliya hooyo xaawa balse waxaa jira maati badan oo haraad la daaladhacaysa waxaana ka mid ah aabo yuusuf xasan cilmi wuxuuna sheegay in biyo la,aanta haysata uu sabab u yahay maareeyaha wakaalada burco wuxuuna yidhi” horta lacagna waanu bixinaa biyona ma aragno ninka imika wakaalada haystaana nin ummada u shaqaynaya maaha ee waa mid ka shaqaysanaya wali burco oo biyo beeshay waa iikow waxanu madaxweynahayaga ka codsanaynaa inay naga soo gaadhaan oo magaalada ka soo gaadhaan maareeyaha wakaalada oo dantii ummada ilaaway oo kaga mashquulay hanti uruursi iyo musuq-maasuq” dhinaca kale waxaa iyana dhankeeda hadashay hooyo  foosiya sheekh muxumed warsame waxaanay ku xilmaamtay xaalada biyo la,aanta mid loo kasayo oo reer burco loogu abaal gudayo madaxweyne burco waa magaaladaadii waa hooyadii Somaliland maanta inay sidani ku dhacdo waa nasiib darro waxaa naqabsatay maayer xumo oo magaaladii burco waxay noqotay mid hogaaminta iyo horumarka ka aradan biyo la,aan wakaaladii burco waxay isu bedeshay meel danyarta loogu awood sheegto oo cashuurta shacabka laga qaado ay ku dhacdo qasnad gooniya maareeyaha meesha joogaa waa ninka u sababta ah in biyo la,aantu nagu dhacdo waxaanu martikaaga nahay madaxweyne inaad noo soo gurmato maaha markii ugu horeysay ee magaalada burco ay cabashadani oo kale ka soo yeedho waxaana biyo la,aanta ku habsatay loo sibir saaray maareeyaha xiligan gacanta ku haya maamulida wakaalada biyaha burco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here