Xisbiga KULMIYE Oo Xalay Cudud Isugu Geeyey Inay Markale Hantaan Kursigii Baashe Baneeyey Iyo Hogaanka WADDANI Oo Wacad Ku Marey Inay Ka Dheeraynayaan Guddoomiye Ku Xigeenka Wakiillada

0
566

Waxaa xalay kulamo isdaba jooga  ka dhaceen guriga madaxweyne ku xigeenka Somaliland ku waas oo laysugu yeedhay xildhibaanada ku abtirsada KULMIYE waxaana la wariyey un ujeedkiisu ahaa sidii loogu la qimi lahaa in ay mar kale doortaan guddoomiye ku xigeenka xildhibaan ka tirsan xisbiga KULMIYE si ay ugu guuleystaan awooda golaha wakiillada. Kulanka oo ay soo buux dhaafiyeen xildhibaano kulmiyeysnaa ayaa badi laga shaybaadhay in ay isku mawqifka yihiin damaca kursiga ku xigeenka wakiillada waxaana wacdi badan oo wakhti badan qaatay lagu lumiyey in ay la mawqif noqdaan xisbiga si aaney xagal daac uga iman dhanka xildhibaanada isla markaana ay fashilka ka ilaaliyaan in sidii baashe maxamed faarax ay xildhibaanadu kala jabaan waxaana laysla qaatay in xildhibaanadu qaateen taladaa loo soo jeediyey waxaaney sheegeen inay soo celinayaan majooratigii golaha ku lahaayeen  xisbigoodu ayna ilaalinayaan taladii guud ee xisbigu isku lahaa ayna ku fara adaygayaan una codeynayaan xildhibaanka laysku raacay in jagadaas guddoomiye ku xigeenka la saaro.

Sidoo kale waxaa iyana dhankooda kulamo goos –goos ah magaalada hargeysa ku yeeshay xildhibaanada ku abtirsada xisbiga WADDANI iyo hogaanka xisbigaasi waxaanay si wada jir ah uga wada xaajoodeen sidii ay ugu faro adeygilahaayeen in ay ku guuleystaan gudodomiye ku xigeenka golaha wakiillada maadaama lagaga guuleystay booskii murashaxa WADDANI baneeyey oo u hoydey ardaaga muxaafidka hogaanka iyo xildhibaanada waddani waxay isla xoojiyeen sidii ay usigeen kursiga baashe hantay inay kana goor hore lagu kala calaf qaado ayna kalsooni buuxda ka qabaan inay ku guuleysanayaan inay iska daawadaan salaanka hogaanka wakiilada oo aaney u baydhin dhanka muxaafidka oo iyagu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii ay ugu guuleysan lahaayeen inay golaha kawada dhigaan muxaafid.

Dhanka kale ilo looga qaateena oo wargeyska sahan helayo ayaa tibaaxaya in shalay baashe xisbiga waddani ugu wala maray in ay qaadayaan guddoomiye ku xigeenka wakiillada oo aad u gala shaqaynayo kursigaasi maadaama loo nabad galiyey kursigiisii waxaana wararku intaad ku darayaan in uu sheegay heshiis hoose oo dhex maray baashe maxamed faarax iyo hogaanka waddani .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here