Guddoomiye Cirro Oo Hoggaanka Sare Ee Xisbiga WADDANI Ku Daray Laba Xubnood Oo Miisaan Ku Dhex Leh

0
544

Hargeysa, () – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka dib markii uu arkay waayo-aragnimada iyo khibraddooda dhinaca siyaasadda. Sida oo kale na raacaya xeerka Xisbigaasi, waxa uu hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI uu ku daray Dr. Maxamed Cismaan Fadal iyo Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo ka tirsanaa Xisbiga WADDANI.

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sidan ku sheegay War-saxaafaddeed uu ku saxeexan yahay, ayaa u dhignaa sidan;-

Ujeedo: Xubno Lagu Kordhiyey Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan darsay                       Qodobka 30aad Farqaddiisa 6aad iyo 15aad ee xeerka xisbiga WADDANI

Markaan arkay                         Muhiimadda ay xisbiga u leeyihiin xubnahani

Markaan la tashaday:             Xubnaha Hoggaanka xisbiga Waddani

Markaan ku qancay:               Aqoonta Waayo-aragnimada iyo khibradda ay leeyihiin

Kadib markii aan arkay aqoonta, waayo-arragnimada iyo khibradda xubnahan, aniga oo tix-raacaya xeerka xisbiga Waddani qodobkiisa kor ku xusan, waxan maanta oo ay taariikhdu tahay 25th August, 2017. Go’aamiyey in Dr Maxamed Cismaan Fadal iyo Md Cabdi Haybe Maxamed ka mid noqdaan xubnaha hoggaanka xisbiga Waddani.

Waxaan Eebe uga baryeynaa inuu xilka u fududeeyo

Allaa Mahad Leh

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here