Xukuumadda Oo Ka Hadashay Xubno Xilal Jacaylkii Xuduudka Xamar Geeyeen Iyo Sugida Amniga Ee Xiliga Doorashadda

0
623

Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay masuuliyiin xilal ka soo qabtay dawlada federaalka ah ee soomaaliya oo ku sugan qaar ka mid ah gobolada somaliland.

Wasiirul dawlaha amniga ee wasaarada arimaha gudaha somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa shaaca ka qaaday sababta ay dadkaasi u yimaadeen soomaaliland.

Ugu horayn wasiir Maxamed Muuse Diiriye oo ka hadlaya dadka soomaaliya xilalka ka soo qabtay ee somaliland ku sugan ayaa waxa uu yidhi “Masuuliyiinta somaliland ee u qaxay soomaaliya marka ay imanayaan waxay soo dalbadaan cafis  taas ayaanay ku soo galaan dalka, dad inta ay iska yimaadaan iska joogaa ma jiraan, waxaana u daliila inanta imika joogta ee

haysatay Baanka somaliya, cafis ayey soo dalbatay waana la siiyey, qofka reer somaliland ee yidhaahda ha lay saamaxo gaf ayaan galee waa la eegayaa, inkasta oo aanu bari dhawayd u hanjabnay oo aanu ku nidhi saamaxaad ayaad u barateena  ee mid dambe ma jirto hadana madaxweynaha ayaa leh saamaxaada, cidii dalka dambiga ka gasha ee khiyaamo qaran samaysa madaxweynaha ayaa saamaxada leh, ninkii soo codsadana isaga ayaa eega haduu arko inay macquul tahay.”Ayuu yidhi wasiirul Dawle oo la hadlay Somali Cable TV.   Sidoo kale wasiirul dawle Maxamed Muuse Diiriye oo ka jawaabaya warar ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani oo sheegaya inay shirar wada galeen masuuliyiin ka kala socda somaliland iyo soomaaliya ayaa waxa uu yidhi “Ninka reer soomaaliya ee halkaas ka yimid in la soo qabto oo Airport-ka lagu celiyo mooyaane kii somaliland ayaa dambiile ah ka soomaaliyana muxuu naga soo dooni,  masuuliyiinta soomaaliya waxaanu ku kulmi jirnay markii ay wada hadaladu socdeen wadamada aduunka sida Turkiga oo kale oo waatii shirarka lagu gali jiray oo mudo ayey socdeen laakiin waanagii joojinay wada hadalka inkasta oo madaxweynuhu markii dambe marwo Edna Aadan uga dhigay ergay u gaar ah laakiin halkan ayaa shirar lagu galay warkaas manaan maqal.”

Wasiirul dawle Maxamed Muuse Diiriye ayaa sidoo kale ka hadlay qaabka ay ugu diyaar garoobeen sugida amaanka doorashada waxaanu yidhi “Si heer sare ah ayaanu ugu diyaar garawnay inaan cadawgu noogu soo dhuuman wakhtiyadan doorashada, shirar joogto ah ayaanu  qabanay, waxaanu hawl galinay xaafadaha iyo dadweynaha, ciidamada oo kaliya waxba ma qaban karaan, haddii aanad umadaada soo jeedin oo aanad odhan foojignaada waa laynagu soo maqan yahee oo cida aad ka shakidaan soo gaadhsiiya meelaha awooda u leh, haddii aanad dadkaaga adeegsana ciidamada nabad galyadu ashkhaas ayey ka noqonayaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here