Maxkamadda Ugu Sarreysa Kenya Oo Amartay In Lagu Celiyo Doorashadii Madaxtinnimada

0
838

Maxkamadda ugu sarraysa dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday doorashadii madaxweynenimada.

Guddoomiyaha maxkamadda sare David Maraga ayaa sheegay in ay ogaadeen in wax isdabomarinno badan ay dhaceen, wuxuuna amray in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho xalaal ah.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta uu ku guulaystay doorashada isaga oo ka horreeyay Raila Odinga 1.4 milyan oo cod.

Laakiin mucaaradka ayaa sheegay in la jabsaday hanaankii combiyutarada guddiga doorashada laguna shubtay natiijada.

Garsooreyaasha maxkamadda sare ee Kenya

 

 

Taageerayaasha mucaaradka oo Nairobi ku dabaaldagaya

Afar ka mid ah lixdii garsoore ee dacwadda qaadayay ayaa isku raacay in lagu celiyo doorashada, iyaga oo sheegay in doorashadii 8 Agoosto aysan u dhicin si waafaqsan dastuurka Kenya.

Sidaadii loogu dhawaaqay go’aanka maxkamadda, taageereyaasha mucaaradka ayaa damaashaad ka billaabay bannaanka maxkamadda, iyo deegaannada kale ee ay ku xoog badan yihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here