Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Oo Kulan Ku Marti Qaaday Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland, Iyo Nuxurka Qodobada Ay Ka Wada Hadleen

0
587
Dışişleri Bakanı Mevlüt Çavuşoğlu ve Avrupa Birliği (AB) Bakanı Ömer Çelik, AB Dış İlişkiler ve Güvenlik Politikası Yüksek Temsilcisi/AB Komisyonu Başkan Yardımcısı Federica Mogherini ve Komşuluk Politikası ve Genişleme Müzakerelerinden Sorumlu AB Komiseri Johannes Hahn ile "Türkiye-AB Üst Düzey Siyasi Diyalog Toplantısı"nın ardından ortak basın toplantısı düzenledi. ( Fatih Aktaş - Anadolu Ajansı )

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed Oo Socdaal Ku Jooga Waddanka Turkiga Ayaa Kulan La Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dalka Turkiga Mr. Mevlüt Çavuşoğlu.

Labada Wasiir ayaa ka wadahadlay xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo waddanka Turki-ga u dhexeeya iyo sidii loo sii xoojin lahaa iyo  sidii Turki-gu door muhiim ah uga qaadan lahaa dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland ee dhinaca waddooyinka.

Wasiirka Arrimaha Dibada Dalka Turkey-ga Mr. Mevlüt Çavuşoğlu , ayaa dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin adkaynta xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo dalkiisa, isla markaana waxa uu tilmaamay in iskaashiga dhanka kaabayaasha dhaqaalaha oo Somaliland laga taageeraa tahay mudnaanta Kowaad, markastana ay diyaar u yihiin xoojintiisa, waxaanu Somaliland iyo shacabkeeda ku amaanay nabada gaamurtey ee ku timi kalsoonida shacabka iyo dawladda ka dhexaysa.

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryeynta Md Cali Xasan Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in Somaliland Iyo Turkey-ga uu ka dhaxeeyo xidhiidh soo taxnaa ilaa 500 oo sannadood, waxaanu tilmaamay in isku dhawaanshaha iyo isdhexgalka labada dal ay  suurtagaliyeen shacbiga labada Dal.

Wasiir Cali Mareexaan  waxa uu ugu dambeyntii intaa  ku daray  iskaashiga labada dhinac ee dhanka ganacsiga iyo mashaariicaha horumarineed kuwaas oo Turkigu  ka hirgaliyey Somaliland, waxaanu  Wasiirku hoosta ka xariiqay in ay tahay wadiiqo cusub oo wanaajin karta xidhiidhka wanaagsan ee Somaliland iyo Turkiga, waxaana uu sheegay Wasiirku in dawladda Somaliland diyaar u tahay adkaynta iyo wanaajinta xidhiidh kaasi gaamurey.

Arrinta ayaana keeni karta in xidhiidh wanaagsan oo iskaashi iyo wada shaqayneed uu dhex maro labada dal ee Somaliland iyo Turkiga, mashaariico hor lehna uu Turkigu ka fuliyo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here