Akhriso Magacyada Qaar ka mid ah Dadkii Shalay Lagu Laayey Hawaday+Tiradooda+Intii Hadhay Oo Xero Militari Lagu Hayo Iyo Wararkii U Dambeeyay

0
2555

Alle ha u naxariistee Rag Tiradooda lagu sheegay illaa 17 isla-markaana badankoodu ka soo jeeda Somaliland, ayaa Shalay Siyaabo kala duwan loogu Dilay Magaalada Hawaday ee Dalka Itoobiya.

Raggan la laayey oo dhammaantood ahaa Shaqaalihii ka shaqeynayey Maqsinnada Qaadka ee Magaalada Hawaday ee Qaadka looga soo diro dhinaca Somaliland, ayaa Shalay iyaga Shaqo-Maalmeedkoodii Caadiga ah ku jira waxa si Kadis ah Maqsinnadii Qaadka ee ay ku shaqeynayeen ugu soo galay Boqollaal Qof oo Qoomiyadda Oromada ah, kuwaasi oo la sheegay ka biyo-diidsanayeen Taageero la sheegay in Qoomiyadda Soomaalidu ay Taageertay Hawl-gallo ay Dawladdu kaga hor-tagaysay Kacdoonnadii Oromada ee Sannadkii hore dhammaadkiisa Dalka Itoobiya ka dhacay,   ayaa markii ay galeen Maqsinadda Qaadka ay Rasaas la dhaceen Raggii Qaad-waleyaasha ah ee Maqsinnada ku sugnaa, Qaarkoodna ay Majooyin ay siteen Qudha kaga jareen, halka ay qaarkoodna ka soo tuureen Dabaqyo ay ku jireen.

Wararka aan ay Shabakadda QoryaaleNews.Net ka helayso Magaalada Hawaday ayaa sheegaya in Gabi ahaanba Maqsinnadii Qaadka ee Hawaday albaabbada loo laabay oo aanay shaqaynayn, ka dib markii Shaqaalihii Qaadka ee Dhagartaa ka badbaadday ay Nafahooda ula carareen Dhinaca Magaalada Herer, waxaana la sheegay inay wakhti Xaadirka ku jiraan Xero Ciidan oo halkaa ku taalla isla-markaana ay badbaado bideen.

Dhacdadan Naxdinta leh, ayaa keentay in Ganacsatada Qaadka ee ku sugan Somaliland, sida Caasimadda Hargeysa inay waayaan Cid ay Lacagtii Qaadka ku hagaajiyaan oo ay u diraan.

Dadkan la laayey ayaa waxay iskugu jiraan Karaaniyiin, Khasnajiyo, Dirawaliin, Iibiyaal Qaad, Raaciga Qaadka iyo Shaqaale Hoosaad kale, Waxaanu Ka cudur daaranaynaa  in aanay noo suurto-galin inuu soo wada Gudbino Magacyada Dadkaasi oo dhamaystiran, hase-ahaatee aanu hellay Magaca koowaad iyo Naanaysaha, waxayna kala yihiin sidan:-

1.Cabdiqaadir Aadan Xasan.

2.Cismaan Cawdal.

3.Guuleed Hambase.

4.Cabdillaahi Fadhaase.

  1. Aan-is-dilno.

6.Axmed Faraqe.

 

La soco wixii warar ah ee soo Kordha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here