Kooxda Al-shabaab Oo Lacag Ku Badeshay Dumar Ay Haysteen Iyo Muddadii Ay U Xidhnaayeen

0
547

Kooxda Al-shabaab, ayaa siidaysay isla-markaana xorriyaddooda siisay labo Hablood oo ay Afduubeen iyagoo Hawlo samo-fal ka wada deegaanka Far-libaax oo ka mid ah Gobolka Hiiraan ee Soomaaliya muddo laga joogo laba bilood ka hor.

Warar ka soo baxaya Siidaynta Hablaha Muddada u xidhnaa Al-shabaab, ayaa sheegaya in sii deynta Gabdhahan ku timid markii Al-shabaab ka qaadatay Lacag Madax -furasho ah, sida laga soo xigtay Waalidiinta Hablahaasi qaar ka mid ah

“Muddo labo bilood ah ayey Al-shabaab u afduubnaayeen Gabdhahan oo Maanta (Shalay) soo daayay.” Ayay sheegtay mid ka mid ah Waalidiinta Hablahaasi.

Labada Hablood iyo Qof Saddexaad oo illaa hadda Gacanta Al-shabaab ku jira ayaa wakhtigaa ka mid ahaa Shaqaalaha Hay’adda HALO TRUST, waxaana Xilliga Afduubkoodu dhacay oo ahayd 16 Julay ay wadeen Hawlo Samo-fal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here