Salaadiinta Murashaxa WADDANI Oo Waji Gabax Kala Soo Noqdey Boorama Iyo Qaylo Dhaantii Cod raadiska Oo Hungo Iyo Faromadhnaan Ku Noqotay

0
920

Magaalada Borama ee Xarunta Gobolka Awdal waxa gaadhay gudi Salaadiin ah oo ka kooban beelaha Garxajis waxaana hogaaminayey Suldaanka ee Beelaha Habar-yoonis iyada oo sidoo kale gudida ay Hargeysa ka shidaaliyeen Murashaxa iyo Musdanbeedka Xisbiga Waddani taasi oo laga dareen celinayo soo dhawayn Giraanta Siyaasadda bedeshay oo Muuse Biixi kala kulmay Borama waxaana gudidu ay mano sheegasho iyo is xasuusin abaal dhab libaax ah oo Rayaale loo galay ay ugu tageen beelaha beesha Samaroon.

Fadhiga waxa diiday oo ka dhaartay beelaha Habar carfaan iyo Maxamed Case waxaana ku kaliyaystay Makaahiil iyada oo beesha Murashax Cirro ay si rasmi ah u cadaysay inay uga socoto soo celinta Abaalkii Rayaale loo galay iyo geela iskugu jira oo halkii daaqsinkiisa laga sii wado.

Hogaanka iyo siyaasiyiinta Xisbiga Waddani waxa ay dhaliilaan jeegaanta iskaashi ee Beelaha Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo cod qaybsi taariikhi ah waligood lahaa waxaana taa bedelkeeda ardaaga Musdanbeedka Waddani laga soo abaabulay curinta ama samaynta jeegaan la mid ah ta Kulmiye oo dhex marta beelaha Habar-yoonis iyo Samaroon.

Suldaanka Guud ee beelaha Habar-yoonis oo ka hadlaya imaanshaha Borama iyo guusha uu filayo waxa uu yidhi. “Marka hore aad baan ugu mahad naqaynaa beesha Samaroon weftigu guud ahaan waxa uu ka kooban yahay waa Garxajis wixii danbana fadhiyada gaarka ah ayeynu kaga wada hadli.”Ayuu yidhi Suldanka Guud ee Beelaah Habar-yoonis.

Boqor Raabi oo isagu cadeeyey arinta ay u socdaan beelaha Garxajis waxa uu yidhi. “Hadalkeenu fadhi ayuu ahaan doonaa waxaan u socono waad ka dhereg san tihiin waxaan idiinku nimi geela inaga dhexeeya Mahad naqiisa iyo soo celintiisa ayaan idiinku nimi.” Ayuu yidhi Boqor Raabi oo Borama qabyaalada u durbaano garaacay.

Arinta curinta ama Yagleeliada iskaashi reernimo oo dhex mara Garxajis iyo Makaahiil ayaa ah mid shacabka loogu kala ibtirinayo waxaana Murashaxa xisbiga Ucid uu hore u sheegay in Magaca Garxajis uu waxba ku waayey beesha Murashax Cirro-na ay dhabarka ka jabisay markii uu codka taageero uga baahna Tuulooyinkoodana uu xisbiga Ucid ka helay codkii ugu yaraa ee uu deegaanada Somaliland ka helo

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here