Isku dirka Soomaalida iyo Oromada; Qaybi oo xukun!

0
766

Kadib kacdoonno ay huriyeen rabitaanka shacbigu oo ay qoomiyadda Oromadu ku gilgishay guud ahaan dalka Itoobiya, gaar ahaanna caasimadda iyo nawaaxigeega, waxa ay xukuumadda Itoobiya hayn wayday dabkii ay ku shideen kacdoonnadaasi, si ay xukuumaddu u damiso kacdoonkaasna waxa ay u adeegsatay cadaadis nooc walba ah iyada oo ugu dambayntii qoomiyadda Oromada lagu soo rogay bandoo saarnaa muddo toban bilood ah. Kadib markii ay Itoobiya qiimaysay, waxa ay aragtay cadaadiskii ay saartay qoomiyadda Oromadu in aanu dhalin natiijadii ay uga baahnayd, dabadeed waxa ay u wareegtay waji kale oo cusub, kaasi oo ay si wanaagsan ugu guulaysatay.

Waxa ay abuurtay muran-dhuleed gacan-ku-rimis ah, kaasi oo ay iskaga hor keentay labada qoomiyadood ee jaarka ah ee Oromada iyo Soomaalida. Abuuridda murankaasna waxa loo adeegsaday wax-ma-garatada Liyuu Booliska la yidhaahdo, iyaga oo shaadh Soomaaliyeed la huwiyeyna waxa ay falal arxan-daran ka geysteen dhulka Oromada, taas oo ugu dambayntii keentay isku dhaca baaxadda leh ee labada qoomiyadood ka dhex qarxay, si wanaagsanna u soo hoysay natiijadii ay Itoobiya muddada dheer raadinaysay ee ahayd sidii ay iskaga mashquulin lahayd qoomiyddii kacsanayd ee Oromada, iyada oo madaxa u gelisay qoomiyadda Soomaalida. Indhihii ay Oromadu ku eegi lahaayeen xukuumadda Itoobiya waxa ay ku eegayaan qoomiyadda Soomaalida, dambi kasta oo ay xukuumadda Itoobiya ka gashayna waxa ay ku illoobayaan dambiyada ay raggaas Liyuu Booliska la yidhaahdaa ka galeen, waayo markan colaadda waxa loo soo geliyey shaadh qoomiyadeed (qabyaalad), ficiltankuna waxa uu yeelanayaa waji cusub, waxaana uu ku koobnaanaya is baacsiga labadan qoomiyadood, taasi oo si wanaagsan ugu adeegi doonta dantii ay lahayd xukuumadda Itoobiya, waana siyaasaddii gabowday ee qaybi oo xukun. Inta badanna waxa adeegada xukuumadaha kali-taliska ah oo shacbigooga koox-koox iskaga hor keena.

Colaaddani waa mid siyaasadeed ee ma’aha mid dhuleed iyo mid qoomiyadeed toonna, waana mid ay gaasta ku dareen shakhsiyaad kooban oo ujeeddadooda ugu weyni ay tahay iska jeedinta qoomiyad kacsan. Kuwa colaaddan hurinteeda u adeegsaday in ay Soomaalidu sheegtaan dhulka Oromada, waxa ay fureen dariiq cusub oo ay Oromadu ku soo gocan doonto dhul badan oo laga qaaday qarniyadii ina soo dhaafay.

Qore: Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com

Facebook.com/Maxamed Sharma’arke

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here