Xukuumadda Oo Ka Hadashay Qaadka MIIROOGA Oo Lagu Iibiyo Lacagta Dollarka Oo Keliya & Dadkii Reer Somaliland Ee Lagu Laayey Itoobiya

0
606

Dawladda Somaliland, ayaa markii u horreysay ka hadashay Soomaalida lagu laayey Magaalada Hawaday ee Dalka Itoobiya, kuwaasi oo ay ku jireen Dad Reer Somaliland ah oo Ganacsiga Qaadka halkaa u joogay.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Cumar Shucayb Maxamed, ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland ay Dawladda Itoobiya ka dalbatay inay War Cad ka siiyo Dadkii Reer Somaliland ee Dadka Oromada ahi ku xasuuqeen Magaalada Hawaday, isla-markaana illaa hadda laga sugayo Jawaab Waafi ah oo Arrintaasi khusaysa.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxay Dawladda Itoobiya kala hadashay inay War-bixin dhamaystiran ka keenaan Falka halkaa ka dhacay (Dadkii lagu laayey Hawaday). Innagu ma rabo in Aar-goosi uu meesha ka dhaco. Dhibaato uu Qof geystay in Dad kale loo Xasuuqo aad iyo aad baanu uga xunnahay, Dawladda Itoobiyana Jawaab Waafi ah ayaa laga rabaa…”

Wasiirka Ganacsiga oo Telefiishanka HCTV waydiiyey waxay kala socdaan Qaadka Miirooga ee Somaliland looga soo waarido Dalka Kenya, ka dib markii la joojiyey Qaadkii Itoobiya uga iman jiray, ayaa sheegay in Qaadka Miiroogu in Dalka la keeno ay Fasaxday Wasaaradda Maaliyaddu “Shalay ayuun baan ka War helay in Doraad la keenay Dalka Qaadka Miirooga, kaasi oo aan Runtii Jeclaa inaanu Imika Dalka la keenin oo aanu innagu soo deg-degin, Waayo? Cid-baynu la leenahay Heshiis Ganacsi baa innaga dhexeeya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “(Shirkadda Qaadku) Liisankoodii bay si Ku meel-gaadh ah ugu keeneen (Qaadka Miirooga), Wasaaradda Maaliyadda ayaana u fasaxday oo tidhi ha yimaaddo.”

Qaadka Miirooga ee Dalka Kenya oo ay Somaliland keenaan Diyaarado ka soo dega Garoonka Cigaal ee Hargeysa, ayaa Dadka ka Ganacsadaa ku iibiyaan Lacagta Dollarka oo keliya.

Dadka haysta Kolayada Qaadka Miirooga lagu iibiyo, ayaa Qofka ka iibsanaya waxay Qiimaha ugu sheegaan Dollar, halka haddii uu Somaliland Shilin Sitana loogu dhufto Gacanta dambe ee Sarrifka Dollarka, taasi oo qayb ka noqon karta Sicir-bararka Lacagta Dollarka oo horeba Shacabka Somaliland ula daalaa-dhacayeen.

Qiimaha Sarrifka Dollarka ayaa Afartii Maalmood ee uu istaagay Qaadkii laga keeni jiray Itoobiya hoos u soo dhacay, laakiin waxa kor u soo celin kara Lacagta Miirooga ee Dollarka oo keliya lagu iibinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here