Murashax Cirro Oo Bayaamiyey In Uu Sixi Doono Jalaafo Rakaabkii Xirsi Qaranka U Dhigeen Iyo Kulmiye Oo Uu Qoorta U Sudhay Dhiig Ku Daatay Gobolka Awdal

0
556

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxman Cirro ayaa qudbad uu jeediyey waxa uu ku sheegay in uu sixi doono Jalaafooyin siyaasadeed oo ay qaranka u dhigeen Rakaabkii Xirsi hogaaminayey ee xukuumada Siilaanyo ka tirsanaa isla markaana wakhtigan ku jira xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Suldaan Wabar oo buuraha galay isla markaana jabhad gaar ah ku dhawaaqay Somaliland-na jiritaankeeda dafiray ayuu sheegay in uu soo celin doono hadii uu ku guulaysto talada wadanka Somaliland.

Ugu Horayn Murashax Cabdiraxman Cirro waxa uu sheegay in xukuumada Madaxweyne Siilaanyo qaban kari wayday arin siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka Somaliland dhamaantood ka wada cod sadeen inkasta oo aanu sheegin dhaliisha uu madaxweynaha Somaliland duasha u saaray waxa ay tahay waxaana uu yidhi. “Dhamaan siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka ee Somaliland waxay u tageen iyaga oo isku dhan xukuumada Kulmiye waxa ay u gudbiyeen codsi waxaan filayaa ilaa maanta inaanay codsigaas ka soo jawaabin cod sigaasi waa codsigii qaylo badan ka timi waxaana ka dhashay Suldaan Wabar oo inaga maqan isna waan soo celinaynaa hadii alle ka dhigo waxaanu isku dayi donaa mudada shanto sano ah ee ugu horaysa inaanu balan qaadyadaa fulino.”

Cabdiraxman Cirro ayaa libinta doorashada isa siiyey waxaana uu sheegay in xukuumadiisa arinta ugu horaysa ee ay qaban doonto ay tahay dhismaha wadada isku xidha lawyo cado iyo Borama waxa uu sheegay in Mushaharka Macalimiinta uu kordhin doono. “Xukuumadda Waddani waxa ugu horeeya ee ay qaban doontaa waxa weeye jidka isku xidha Borama iyo lawyo cado Dugsiyada xukuumadu maamusho macalimiintu way iskaga tagtay tayada waxbarashadu hoosbay u dhacday sababtu waxa weeye Mushaharaadka oo hooseeya macalimiinta aan daryeel qabin Mushaharka boqolkiiba boqol ayaanu kordhin doonaa.”

Ugu Danbayn Murashaxa Waddani waxa uu shegay in uu amray baadhista dhacdadii uu ku dhintay wiil dhalinyaro ah oo deegaanka Dilla ka soo jeeday waxaana uu shegay in saraakiil sar sare oo Kulmiye ka tirsani arintaasi ka danbeeyeen inkasta oo Cirro aanu sheegin cida uu amray ee kiiskaasi baadhay waxaana uu yidhi. “Shalayto waxaan idhi masuuliyada cida leh hala baadho waa la baadhay yay ku cadaatay? Waxay ku cadaatay masuuliyinta degmada Dilla iyo madax sar sare oo Kulmiye ah oo Hargeysa joogta ayuu danbigii ku cadaaday.” Ayuu yidhi Murashaxa Madaxweynah xisbiga Waddani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here