Magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal waxa mudo ka badan todobaad ku sugan Koox salaadiin ah oo uu hogaaminayo Suldaanka guud ee Beesha Galbeedka Burco isla markaana shaaciyey inay yihiin Wefti ka kooban Beelaha Garxajis oo iskugu jira Salaadiin iyo boqoro kala duwan.
Waxa ay magaalada Borama ku yeesheen kulamo gaar gaar ah oo ay jilbaha ugu dhigteen dhamaan Beelaha ay ka kooban yihiin Beesha Samaroon oo beel kasta ay la kulmeen Salaadiinta iyo cuqaasha islaamrkaana ay la hortageen qodobo salka ku haya ama ku biyo shubtay arimo siyaasadeed oo abaal celin codka bulshada ah.
Sida uu cadeeyey boqor raabi oo weftiga Garxajis ka mid ah ayaa sheegay in beelaha Samaroon ay ka doonayaan celinta abaalkii ay Daahir Rayaale u gashay beesha Galbeedka Burco iyo dhabtii libaaxa ee uu ku fadhiyey iyaga o sidoo kale kulan doceedyada lagu bayaamiyey in uu dhabarka soo taabtay Murashaxa xisbiga Waddani iyo Musdanbeedka xisbigu.
Sadexdii casho ee ugu horeeyey kulamadaasi waxa ay ku soo idlaadeen natiijo la’aan waxaana Cabdiraxman Cirro uu Borama u diray Gudoomiyaha Musdanbeedka Siyaasi Siciid Sulub isaga oo xal u raadinayey guul darada kulamada laga dhaxlay waxaana beelaha habar Carfaan iyo Maxamed Case si rasmi ah u cadeeyeen in aanay arin siyaasadeed kala hadlayn hogaanka beelaha Garxajis ee Borama ku sugan balse sidii dhaqanku ahaa lagu soo dhawanayo Borama oo ay marti ku yihiin loona fidinayo gogol walaaltinimo balse waxa ay ka dhaarteen taageerada xisbiga Waddani.
Kulamada oo mararka qaar lagu kala kacayey waxa ay sababtay in Murashaxa xisbiga Waddani Burco ka soo guureeyo isaga oo sugi kari waayey furitaanka xafiisyada iyo barnaamij siyaasadeedka gobolada bari waxaana lagu war helay isaga oo Dilla calanka xisbiga Waddani salaam ka qaadanaa isla markaana aan ku hakan deegaanka Dilla iskuna shubay magaalada Borama.
Cabdiraxman Cirro oo weheshanaya ku xigeenkiisa ayaa Borama ka bilaabay xoojinta kulamadaasi waxaana isaga iyo murashax ku xigeenka Waddani ku biireen fadhiga labada beelood lahaayeen iyaga oo besha Galbeedka Burco codsanaysa celinta abaalkii Daahir Rayaale loo galay oo sheegay in kursiga ay ku ilaalinayeen beesha Galbeedka Burco isla markaana uu ku fadhiyey dhab libaax oo lama taabtaan ahayd.
Wali wax natiijo ama go’aan kama danbayn ah lagama soo saarin kulamadaasi fooshu ku taagan tahay waxaana kulanka ka maqan Beelihii Samaroon marka laga reebo hal beel oo kali ah oo ah beesha uu ka soo jeedo Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani.
Cabdiraxman Cirro ayaa fagaarayaasha siyaasadda ka sheega in qabyaalada la gaadhsiiyey heerkii u saraysay isla markaana uu isagu noqonayo xisbiga Qabyaalada Cidhib tira balse ficiladii ugu danbeeyey ee uu Burco iyo Borama ka sameeyey waxa ay markhaati shacab digniin ah u noqdeen guud ahaan bulshada Somaliland oo la socda siyaasadda beenta lagu dhoobayo ee xisbiga Waddani ka soo burqamaysa.