Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa sheegay in aanu shaki ku jirin in dhalinyarada Somaliland ay yihiin dadkii mustaqbalka, isla markaana dhalinyarada qabiilku aanu dani ugu jirin balse qaranimada dani ugu jirto.
Cabdiraxmaan Ciro, Musharaxa xisbiga Waddani wuxuu intaasi ku daray inuu Caawa ku faraxsan yahay in ururka waxbarashada Somaliland iyo dhalinyaro kale oo taageersani in 85% in ka badan isku raacday in xisbiga Waddani uu yahay ka ay mustaqbalkooda ka arkeen kadib markii ay iyagu qiimeeyeen Asxaabta Qaranka.
Musharax Cabdiraxmaan Ciro waxa uu sidaasi ku sheegay khudbad qiimo leh oo uu u jeediyey dhalinyarada ururka Waxbarashada Somaliland oo xaflad balaadhan oo ay ku soo biirayeen xisiga Waddani loogu qabtay Hotel Rays ee magaalada Boorama, waxaanu tilmaamay Musharax Cabdiraxmaan Ciro inuu ku faraxsan yahay in sidii Kulmiye aanu isagu la shirayn shaqaalihii dawlada oo la soo khasbay.
Khudbada Musharax Cabdiraxmaan Ciro waxay u dhignayd sidan:- “Munaasibadan loo qabtay gaar ahaana Ururka Waxbarashada Somaliland oo ahaa qaban qaabiyihii ugu weynaa. Waxa kale oo aan ugu mahadnaqayaa xildhibaanka, Wasiirka Aadan, Laba geesi oo ah Gudoomiyeyaasha Garba-dadar iyo Gudoomiyaha Lughaya.
Waxaan isleeyahay dhalinyaradu shaki kuma jiro inay yihiin dadkii mustaqbalka, dhalinyrada qabiilka dani uguma jirto, qaranimaday dani ugu jirtaa, qabiilku iskuul ma sameeyo, haduu dedaalo dedaalo inuu afar fasal sameeyo ayaa laga yaabaa, shaqo ma abuuro, dalka ma dhisi karo, laakiin qaranimada ayaa waxbarasho u samaynaysa oo mustaqbal u samaynaysa oo dawladnimo iyo qaranimo u abuuraysaa.
Waxaan runtii ku faraxsanahay in ururka waxbarashada Somaliland iyo dhalinyarada kale ee taageersaniba ay iyagu qiimeeyeen asxaabta qaranka oo siday sheegeen in boqolkiiba 85% in ka badani isku raacday in xisbiga Waddani ay u arkaan xisbiga mustaqbalkooda wax ka qaban kara.
Waxa naga go’an in dhalinyarada talada dalka ka siino, waxaanu ahayn xisbigii ugu horeeyey ee shirweyne u qabta dhalinyrada ee ay ka soo qayb galaan dhamaan degmooyhinka jamhuuriyada Somaliland oo Dhahari dhinacaa ugu xigto Saylacna dhinacaa kale ugu xigto ay ka soo qayb galeen, waxaana ka dhashay markaa ururkii ugu horeeyey ee heer qaran ee xisbi samaysto caawa oo ay xaflad halkan ku qabanayaan garabkii dhalinyrada ee xisbiga Waddani hadii ilaahay ka dhigo.
Shadow-ga Government-ka Waddani ama xoghayeyaasha xisbiga Waddani hadaad eegtaan dhilinyaro ayay u badan yihiin idinka inyar idinka waaweyn ama idin laaleeg taasi waxay tusaysaa inay kaalin weyn ku leeyihiin talada xisbiga dhalinyaradu, waxa kale oo talada xisbiga qayb weyn ku leh garabka Haweenka ee xisbiga oo iyagana aanu shirweyne u samaynay waxaan ku kalsoonahay dareenkaa aad samayseen inuu yahay dareen dhab ah oo isbadal doon ah oo mustaqbal doon ah oo horumar doon ah.
Waxaan u mahadnaqayaa gudoomiyihii halkan ka bilaabay hadalka ee ururka Waxbarashada Somaliland iyo gudoomiye ku xigeenkiisa, waxaan qabaa in awooda ugu badan aad leedihiin dhalinyaradu. Waxaynu maanta u dareeraynaa doorasho dhamaan cilmi-baadhistii la sameeyey (research) ee Somaliland ku saabsanaa doorashooyinkoodu waxay dhamaantood isku waafaqeen in cida ugu badan ee wax doorataa ay yihiin dhalinyarada.
Waxaan aad ugu faraxsanahay sidii Kulmiye in aanaan la shiraynin shaqaalihii dawlada oo la soo khasbay, hada isuduwayaashii maaha cuqaashii maaha Salaadiintii maaha waa dhalinyaro ay ugu weynyihiin 18 jir iyo 19 jir oo iyagu intay shireen oo ay urur samaysteen oo mustaqbalka ay ka fikireen oo Somaliland ka fikireen yidhi danta Somaliland waxay maanta ku jirtaa Waddani.
Waxaan isleeyahay shaqaalahaa dawlada ee Kulmiye soo khasbay ninba halka uu doono ka ku rido kolba, laakiin idinku idinkaa ikhtiyaar leh, idinkaa doortay, cid idin soo khasabtay ma jirto aad iyo aad ayaan idiinku mahadnaqayaa.
Waxaan idiin balanqaadayaa inaanu dalkan horumar u samayno gaar ahaana dhalinyarada barnaamijkii aanu ugu talo galnay waxa uu ku qoran yahay barnaamijka xisbiga, markii aanu barnaamijka siyaasada xisbiga samaynay waxaanu usoo bandhignay dhamaan jaamacadaha magaalada Hargeysa, waxaanu ku nidhi eega oo akhriya wax ku dara maxaa ka xun maxaanu ka saarnaa, waxa ka soo baxay talooyin badan, markii hore shan cutub ayuu ahaa barnaamijka siyaasiga ahi cutubka lixaad ee lagu daray dhalinyarada ayaa ku dartay.” Ayuu yidhi Murashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).