84 Qof Oo Mar Keliya Ku Dhintay Duqayn Uu Maraykanku U Geystay, Dad Saf Ugu Jiray Moofo

0
945

Laba duqeyn oo bishii March ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Isbeheysiga uu Mareykanka hogaaminayo, waxaa ku dhintay 84 qof, sida ay sheegtay hay’adda Human Rights Watch.

Baadhitaan ayaa lagu ogaaday in tobannaan Carruur ah ay ka mid ahaayeen dadka ku dhintay duqeynta lagu qaaday iskuul iyo suuq ku yaalla Tabqa oo ah Galbeedka Raqa.

Goob-joogeyaal ayaa sheegay in xubno ka mid ah kooxda la baxday dowladda Islaamka ay ku sugnaayeen goobaha la duqeeyay, rayidkana ay gabaad ka dhigteen.

Isbeheysiga wuxuu aaminsan yahay in qof shacab ah aanu ku dhiman duqeyntii Mansuura ee Suuriya.

Waxay ku adkeysanayaan in ay u hoggaansan yihiin shuruucda caalamiga ah, ayna ka fogaadeen in duqeynta ay dhibaato ka soo gaadho dadka aan hubeysnayn.

Horraantii bishan, Isbeheysiga dagaalka kula jira ururka la baxay dowladda Islaamka, wuxuu sheegay in diyaaradohooda dagaalka ay si aan ula kac ahayn u dileen 685 qof oo ku kala noolaa dalalka Suuriya iyo Ciraaq, tan iyo bishii August ee 2014-kii.

Si kastaba, hay’adda Airwars oo la socoto eedaha ku saabsan in shacab ku dhinta dagaallada ayaa sheegtay in dadka la dilay ay gaadhayaan illaa 5,343 qof.

Warbixin la daabacay Isniintii, Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadanaha waxay ku sheegtay in ay badhitaan ku sameysay dhowr duqeyn oo ka dhacay Suuriya.

Baadhitaanka waxay sameysay ka dib markii loo ogolaaday in horraantii July ay booqato Woqooyiga Suuriya, qeybaha ay maamulaan isbeheysiga SDF ee Mareykanku taageerayo.

Laba ka mid ah dhacdooyiinkii ugu dhimasho badnaa waxay dhaceen xilligii ciidamada SDF ay ku sii dhowaanayeen magaalada Raqa.

Diyaaradaha isbeheysiga ayaa duqeeyay Iskuul lagu magacaabo Badiica oo ku yaalla Mansuura 20-kii March, iyo suuq ku yaalla Tabqa, 22-kii March.

Lix iyo toban Qof oo ka bedbaaday duqeynta oo hadda markhaati ayaa HRW u sheegay in iskuulka Mansuura uu hoy u ahaa barakacayaal.

Sidoo kale, waxay sheegeen in suuqa Tabqa uu ahaa mid ay rayid keli ah ka shaqeysan jireen.

Dadka dhintay badankooda waxay saf-dheer ugu jireen in ay roodhi ka iibsadaan Moofo ku taallay suuqa, sida ay markhaatida u sheegeen hay’adda.

“Haddii ciidamada isbeheysiga ayna ogeyn in goobahaas ay shacab ku sugnaayeen, waa in ay waqti ku bixiyaan sidii ay u ogaan lahaayeen, sirdoon wanaagsan oo xaqiijin kara bartilmaameedka, sababtoo ah way caddahay in aan tallaabo wanaagsan la qaadin,” ayuu yidhi Ole Solvang, oo ah ku xigeenka madaxa arrimaha deg-degga ah ee HRW.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here