Gaadiidka Dadweynaha Oo Saacado Qorshaysan Dab La Sudhayo Iyo Ciidanka Booliska Oo Qorshe Dhif Iyo Naadir Ku Ah Aduunka Doonaya Inay Kiiska Ku Af-jaraan

0
1042

Magaalada Hargeysa waxa ka curatay arin halis ah oo lagu cidhib tirayo gaadiidka Dadweynaha qaada taasi oo lagu abuurayo xaalad dadweyne waxaana la garan laa yahay cida rasmiga ah ee falalkaasi ka danbaysa inkasta oo xogaha qaar sheegayaan in ay abaabulayaan kooxo siyaasadeed oo doonaya inay shacabka ku kiciyaan marka la dhameeyo gaadiidka Basaska oo la beegsanayo kuwo u baxa xaafado gaar ah.

Maalintii Afraad waxa la gubay Baskii afraad waxaana hawl galkaasi la fuliyey xili isku saacad ah isku goobna ah waxaana lagu war helay baska oo holcaya iyada oo aanay jirin cid rasmi ah oo kiiskan gacanta kula jirtay markii uu dhacayey ama la qabtay.

Wadayaasha Gaadiidka ayaa sheegay in arintani ay tahay mid laga danbeeyo iyaga oo markii hore aminsanaa in ay iska gubteen labadii Bas ee hore balse ay garwaaqsadeen arintani ay qorshe diyaarsan tahay markii kii sadexaad la gubay isla xiligii ay gubteen labadii Bas ee hore oo ahayd xili duhur ah.

Ciidanka Booliska ayaan wali wax war ah ka soo saarin balse sida lagu baahiyey fariimo baraha bulshada la dhigay waxa lagu sheegay in ciidanka Boolisku abaalmarin siin doono qofki soo hela ama sheega cida arintan ka danbaysa oo halis ku ah amaanka dalka iyo nolosha shacabka.

Inkasta oo aanu jirin war rasmi ah oo ciidanka Booliska ka soo baxay hadana waxa la sheegayaa inay ku gudo jiraan sidii ay ku ogaan lahaayeen cida ka danbaysa arintani iyo qorshaheeda oo lala xidhiidhiyey siyaasad shacab kicin oo mid ka mid ah xisbiyada mucaaradku ka danbeeyo.

Arintan oo kale waxa lagu xasuustaa Guryo duhurka la gubi jiray oo badankoodu ku yaaleen xaafada New Hargeysa wakhti uu wasiirka Arimaha gudaha ahaa Ex Wasiir Gaboose inkasta oo baadhitaankii arintaasi uu ku sheegay in dadka deegaankaasi iyagu guryahooda gubaan u jeedo kalana ay ka leeyihiin arintaasina waxa ka dhashay kacdoon shacab.

Balse ciidanka Booliska ayaa la sheegayaa in arin ka duwan arintaasi ay u raacayaan baadhista kiiskan iyo gacan ku qabashada cida rasmiga ah ee ka danbaysa gubista Gaadiidka dadweynuhu raacaan ee Basaska oo xogaha laga helayo gudida gaadiidkaasi ay sheegayaan inay shaqo joojin samaynayaan gaadiidkana la dhigayo goob kale ilaa inta war laga soo saarayo arinta gubista baabuurtaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here