TAHRIIB: Ciidammada Laanta Socdaalka Oo Sheegay Inay Toddobaad Walba Gobolka Sanaag Ku Qabtaan, Dhallinyaro Hargeysa & Burco Ka Ambo-baxay

0
682

Ciidammada Laanta Socdaalka Somaliland, ayaa ka dayriyey Tirada Dhallinyarada Reer Somaliland ee Dalka ka Tahriibaya oo ay sheegeen inay aad u korodhay bilihii u dambeeyay.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland ee Gobolka Sanaag Gaashaanle Siciid Cige, ayaa sheegay inay aad u soo kordhayaan Dhallinyarada ka Tahriibaya Magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan Hargeysa, Burco iyo Boorama ee socdaalka ku mara Magaalada Ceerigaabo, iyagoo doonaya inay iyagoo Raad-gedanaya halkaa Boosaaso ka tagaan, ugana sii gudbaan Yemen, Suudaan illaa Liibiya.

Taliyuhu wuxuu sheegay in Heerka Tahriibka Dhallinyaradu marayso aan la sii eegan karin, maaddaama buu yidhi Gobolka Sanaag ay Toddobaad walba ku qabtaan oo ay dib u soo celiyaan Dhallinyaro gaadhaya 70.

Taliyaha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa soo badanaya Dhallinyarada ka Tahriibaya ee ka imanaya Gobollada Galbeedka sida Hargeysa, Burco iyo Boorama ee u soo qul-qulaya Gobollada bariga. Kuwii u dambeeyay waxaanu qabanay 24-kii bishan September, 2017, waxayna ku jiraan Saldhigga Dhexe ee Booliska Ceerigaabo, waana Saddex dhallinyaro ah oo Reer Burco ah, Dadkoodii ayaa lala hadlay oo lagu celinayaa, markaa waxaanu qiraynaa inay Tahriibi jirto.”

Taliye Siciid Cige wuxuu sheegay oo kale “Dadku hadday Ceshan waayaan Dadkooda, waxay hadda ka dib ku dambaynayaa Xabsiyada oo waalla xidhayaa, Waayo? koleyba Badda ayay ku dhimanayaan ama Magafe ayay (ku Ag) dhimanayaan, markaa hadda ka dib waxay noqonaysaa in inta Sharciga la horkeeyo ay noqdaan Dad Khaa’inul Waddaniyiin ah.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu leenahay Halkan aanu joognaa waa halkii ugu dambaysay, ee Dadkani halkay ka imayaan waa Burco iyo Magaalooyinka kale ee hala adkeeyo Kaantaroollada oo Dadka hala joojiyo. Waxaanu leenahay Waar Ciyaalkeennii way baxeen, bad madow iyo meel ay ku halaagmayaan ayay ku sii socdaan, Toddobaad walba waxaanu dib u soo celinayaa 70 Wiilal iyo Gabdho yaryar ah.”

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland ee Gobolka Sanaag oo u warramay Telefiishanka Eryal ayaa sheegay “Imika way fahmeen oo Ceerigaabo way dhinac maraan, waxa jira Magafeyaal (ka shaqeysta Tahriibka), Dadkaasina markay dhaafaan waxay tagayaan Boosaaso, Boosaaso ayaa laga qaadaa oo Yemen bay tagaan, ka dibna Suudaan, ka dibna Liibiya, laakiin ma oga inay Muhalako ku socdaan..”ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here