SOMALIA: Al-shabaab Oo La Wareegtay Gacan Ku haynta Saldhigyo Muhiima Ah

0
642

Ururka Al -Shabab ayaa la sheegayaa in ay qabsadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose.

Kooxda ayaa aroortii hore ee saaka weerar xoog badan ku qaaday saldhig ay ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Bariire.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo waawayn ka hor inta uusan dagaalka billaaban.

Waxaa aad u adag in la helo faahfaahin dhamaystiran oo ku saabsan weerarka.

Al-Shabab ayaa waxa ay sheegteen in ay la wareegeen gabi ahaanba saldhiga iyo guud ahaan deegaankaasi, ayna dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Dowlada Federaalka ayaa xaqiijisay weerarkaasi lagu qaaday Saldhiga Bariire balse wax faahfahin kama aysan bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here