Bandhig Faneed Ka Socday Las Vegas Oo Lagu Laayay In Kabadan 60 Qof Iyo Boqolaal Kale Oo Dhaawac Ah

0
1031

Ugu yaraan 60 ruux ayaa ku dhintay 200 kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray toogasho ka dhacday bandhig faneed lagu qabanayay magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka.

Qof hubaysan ayaa rasaas ku furay barxadii uu bandhiggu ka socday oo ku taalla hoteelka Mandalay Bay

Nin hubeysnaa oo lagu magacaabay Stephen Paddock oo 64-sano jir ah ayaa la sheegay in rasaas uu ku furay meel ay ka socotay xaflad heeso.

Booliska Las Vegas waxay sheegayaan in ay ogaadaan halka ay joogto haweeney la socotay ninka dadka laayay oo ay ku magacaabeen Marilou Danley, iyo laba gaadhi oo laga shakiyay.

Boqolaal dad ah ayaa goobtii ka firxaday waxaana la maqli karay wax u ekaa rasaas qori ka dhacaysa, sida laga maqli karo muuqaal baraha bulshada la soo galiyay.

Booliisku waxay sheegeen in qofkii laga shakisnaa “dhulka la dhigay” isla markaasna aysan rumaysnayn in ay jiraan dad kale oo laga shakisan yahay.

Waxaa jira war kale oo sheegaya in arrin kale ay ka dhacday goob kale oo isla Las Vegas ah.

Qof u hadlay isbitaal ayaa sheegay in xaaladdoodu ay liidato 14 ruux oo dhaawac ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here