“Qofka Marka Masiibo ku Dhacdo, Faa’iidada uu ka Helo Waa inuu u Naxariisto Dadkii Hore Dhibaatadu u Haysatay,” Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir

0
1209

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa shaaca ka qaaday qofka marka masiibo ku dhacdo, faa’iidada uu ka helayo tahay inuu u naxariisto dadkii hore dhibaatadu u haysatay cudur, caydh iyo cabsi.

Khudbad uu kaga hadlay sababaha lagu helo gargaarka Alle, ayaa qeybtii labaad ku bilaabmaysaa,

“Ummad walba oo diintii Ilaahay u soo dejiyey inay ku midoobaan tuuray, iyaguna qeybsamay, qeyladu way ku badanaysaa.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in sababaha gargaarla Alle lagu helo ka mid tahay weheshiga Ducada, waxaanu yidhi,

“Waxaynu leenahay madaafiic aynu ridayno, oo gaalada iyo sheydaanku aanu haysan, oo ah ducada Ilaahay SW la baryo, oo si edeb leh oo dhab ah loo baryo, iyagoo loogu ducaynayo in dadka dufacafa iyo masaakiinta, isla markaana la habaarayo gaalada, sidaasaanu ahaa dhaqankii Nebigu NNKH, isagoo madiina jooga, Masaajidka iyo goobta dagaalka-ba, wuu habaari jiray gaalada.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in maanta ummadihii Islaamka lala marayo in la yidhaahdo ha habaarina Gaalada, oo wadamada islaamka qaarkood culimada la faro gaalada xidhiidh baa innaga dhexeeye ha habaarina, Alle ha idin soo hanuuniyo dhaha, fulaynimo halka la marayo.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay  in shay kastoo Ilaahay qadaro oo dunnida ka dhaca iyo dhibaatooyinka aduunyada soo mara dadka, qofka Muslimka ah ama guud ahaan dadka faa’iido ugu jirto,  isagoo ka hadlayana waxuu yidhi,

“Faa’iidooyinka laga helo dhibaatooyinka waa in dadku gartaan in awooda Ilaahay leeyahay, adoomo badan oo awood sheeganayey marka Ilaahay adhaxda ka jebiyo, dadku waxay garanayaan in awooda Ilaahay keligii leeyahay. Waxa muuqanaya itaal-darada adoomaha, mid kastoo afka taaga, maalinta masiibo ku habsato ayuu itaalkiisa garanayaa.

Faa’iidooyinka laga helo marka dhibaato dadka ku dhacdo wax aka mid ah inay u soo noqdaan daacadnimada ayuu sheegay, waxaanu yidhi,

“dadka marka masiibo ku dhacdo waxay u soo laabtaan daacadnimada Alle, marka hore waxay xaqa Ilaahay cid kale siiyaan-ba, marka la tuujiyo (ta xun-bay ku Alle taqaanaaye), ikhlaaska iyo inay Ilaahay baryaan ayey badiyaan.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in ku sabirka balaayada ka mid tahay faa’iidooyinka qofku ka helo masiibo ku dhacda, waxaanu yidhi,.

“Ku sabarka balaayada oo adoonku ajar ka helo ayaa ka mid ah faa’iidooyinka laga helo dhibaatada ummada ku dhacda, ajarkaana lama heleen hadaan belaayo dhicin.

:Nebigu NNKH waxuu xadiis ku sheegay macnahiisu yahay, “Deeqda ugu weyn ee waafiga ah ee Ilaahay adoonka siiyaa waa sabarka, Dembiguu Ilaahay kaga dhaafaa dhibka iyo masiibada dadka muslimiinta soo gaadha.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in qofka muslimku u naxariisanayo dadka dhibaataysan marka masiibo ku dhacdo, waxaanu yidhi,

“Qofka marka masiibo ku dhacdo, faa’iidada uu ka helayo  waa inuu u naxariisto dadkii hore dhibaatadu u haysatay cudur, caydh iyo cabsi, ajarna ka helayo, maadama hadaan masiibo ku dhicin aanu xusuusteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here