Muwaadin Soomaaliyeed Oo Maxkamad Lagu Soo Taagayo Dalka Canada+Weeraro Argagixiso Oo Lagu Haysto

0
412

Nin Soomaali ah oo qaxooti ku ahaa Canada ayaa lagu oogay dacwad ah in uu geystay shan fal dembiyeed oo uu ka mid yahay iskuday dil.

Ninka ayaa lala xidhiidhinayaa weerarkii Sabtidii ka dhacay magaalada Edmonton ee gobolka Alberta.

Cabdullahi Xasan Shariif oo 30 sano jir ah, wuxuu sidoo kale wajahayaa in si halis ah uu gaadhi u kexeeyay iyo in uu hub haystay.

Shan qof, oo uu ka mid yahay askeri boolis ah oo shaqo ku jiray, ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Maamulka ayaa sheegay in ninkan laga shakisan yahay uu sidoo kale wajahayo dacwado la xidhiidha argagixisanimo. Cabdullahi ayaa la sheegay in booliska ay ku ogaayeen ‘fikradaha xagjirnimo ee uu aaminsan yahay.’

Booliska ayaa weli wado baaritaan

Calan la sheegay in uu yahay midka ururka la baxay dowladda Islaamka ayaa laga helay gudaha gaadhiga loo adeegsaday weerarka lagu dhaawacay askariga.

Sabtidii, darawalka weerarka qaaday ayaa gaadhi ku dhuftay askari lagu magacaabao Michael Chernyk. Ka dib ninka wuxuu middi ku dhuftay askariga wuuna baxsaday.

Askarta ayaa markaa ka dib, guri ka soo saaray gaadhi, waxayna ogaadeen in qofka guriga kireystay iyo midka weeraray askariga ay isku mid yihiin.

Gaadhi kale ayuu ku baxsaday, booliska ayaana eryaday. Afar qof oo shacab ah ayuu gaadhiga ku dhuftay xilligiila eryanayay.

Booliska ayaa dhammaan arrimahaas ku tilmaamay kuwo si ula kac ah uu u sameeyay

Laba qof oo shacab ah oo dhaawacantay ayaa weli cisbitaal ku jira, mid ka mid ahna xaalad xun ayuu ku jiraa.

Askariga ayaa ka soo kabsanaya dhaawacyadii gaadhay.

Ra’iisul wasaare Justin Trudeau ayaa weerarka ku tilmaamay mid ‘argagixiso’, wuxuuna sheegay “in uu aad uga walaacsan yahay, kana xanaaqay ficilka xadgudubka ah ee aan dareenka lahayn”.

Cabdullahi Xasan Shariif ayaa la filayaa in maanta uu ka soo hor muuqdo maxkamad. Waxaa si rasmi ah loogu oogi doonaa dacwado oo iskuday dil uu ku jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here