Xisbiga WADDANI Oo Xubno Weyd ah U Xushay Ololaha Doorashadda+ Jilayaal Siyaasadooda Hore Loo Daawadey Oo Shidhka U Galay Iyo Shuruuddo La Hor Dhigay Hogaamintooda

0
422

Xisbiga mucaaradka ee Waddani ayaa qorshe shaxaysan ku dheelaya ololaha doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa waxaaney guddiyadii kaambaynka ee xisbiga waddani gacanta u galiyeen xubno guux badan abuuray oo la wariyey inuu dabada ka wato hogaamiyaha xisbiga waddani taas oo kala qaybisay  xisbiga. Warar wargeyska sahan helayo ayaa sheegaya in xisbiga waddani uu ku kala qayb samay shaxdii lagu qorsheeyey in ay gudida kaambaynka xisbiga waddani la magacaabo taas oo loo qaybiyey gobolo xogahan ayaa tibaaxaya in hogaamiyaha xisbiga waddani xirsi xaaji cali xassan loo magacaabay madaxa kaambaynka gobolada todheer iyo saaxil oo ay  hogaanka waddani awood bideen inuu cod ka keenayo halka gobolada bariga gaar ahaan sool iyo sanaagna loo magacaabay xoghayaha maaliyada ee xisbiga waddani cabdirisaaq khaliif inuu ahaado guddoomiyaha kaambaynka ee gobolada bariga maadaama ay quud daraynayaan in xisbigu cod ka helidoono. Gobolada maroodijeex iyo gabilayna waxaa gacanta loo galiyey siyaasi abiib timacad oo isna shaxda dhitaysan ee hogaamiyaa waddani qayb ka taas ooo ay ku doonayaan in laysku jabiyo murrashaxa xisbiga kulmiye iyo codoonaha galbeedka ee abiib timacad. Halka gobolka awdalna loo daayey murashaxa madaxweyne ku xigeen iyo jamaahiir uu horkacayo siyaasi dhimbiil oo dhawaan baarashuudka ka goostay tareenka xisbiga kulmiye dhaqaajiyey.

Guddiyadan qarsoon ee xisbiga waddani qorsheeyey ayaa lagu fasirey mid uu qorshaheeda ka dambeeyo siyaasi xirsi cali oo isagu doonaya in xulufadii uu watay la wareegaan xisbiga uguna awood bataan hogaaminta waddani ku doonayo inuu qasriga madaxtooyada ku fuulo doorashada fooda inagu soo haysa. Balse waxay taasi cadho galisay oo cidlo u baxay siyaasiyiin iyo xisbiyahan badan oo ka dhex doobyi jiray xisbiga waddani waxaaney cadhadooda ku macneeyeen in awoodii xisbiga loo gacan galiyey xulufo dabada isku wadata oo rabta kaligeen inay darka ka cabaan.

Talaabadan xisbigu ku xushay gudidan inay ololaha uga ciyaaraan si ay ugu soo hooyaan guusha ay ku raadinayaan inay mar uun shidhka u galaan madaxtooyada ayaa saluug xoogan ku abuurtay taageerayaal badan oo xisbiga ah iyo nusdambeedkii xisbiga iyagoo gudidan ku sababeeyey kuwo luuqdooda iyo siyaasadooda hore loo soo tijaabiyey isla markaana aaney cod xisbiga u keeni Karin waxay ka eryaan oo iyaga uga taga mooyee. Murashaxa waddani oo isagu noqdey mid qabaar moog ah oo dushiisa lagu layliyayo siyaasiyiin damac hoose leh oo la doonayo in lagu baneysto xisbiga ayaa ilaa hadda dareen ka galin siyaasiyiin daluun u qodaya damaciisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here