Suuqii Ugu Waynaa Dunida Ee Lagu Iibiyo Dharka Loo Yaqaan HUUDHAYDHKA (who died) Oo Gubtay+Halka Uu Ku Yaalay

0
648

Suuqa Gikomba ayaa la sheegay in uu dab qabsaday xalli saqdii dhexe. Wuxuu ku dhowyahay xaafadda Islii ee Nairobi.

Suuqa oo lagu tilmaamay in uu yahay midka ugu wayn ee dharka celiska ah ayaa dhowr jeer oo hore gubtay.

Waxaa loo maleynayaa in dabka oo ah mid xoog badan uu suuqa ka dhigo dambas. Dhar aad u badan ayaana ku gubtay.

Wasiir ka tirsan dowladda Kenya, Mwangi Kiunjuri, ayaa sheegay in la baadhayo waxa sababay dabka soo noqnoqday.

Waxaa laga shakinayaa in dabka soo noqnoqday ee suuqa Gikomba uu yahay “mid si ulakac ah loo sameeyo”.

 

Shaqaalaha dab demiska ayaa weli ku mashquulsan deminta

Gawaadhida dab demiska ayaa ayaa illaa iyo hadda daminaya suuqa gubtay, si ay u badbaadiyaan wixii ka haray dharka huudheyda.

Mid ka mid ah suuqlayda ayaa sheegay in ay ka gubteen 250 bundadood oo u dhigma $23 kun oo dollar (£17,600).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here