Waa Maxay Sababta Komishanka Doorashooyinku U Joojiyeen Ololaha Habeenkii?

0
760

Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa shaaciyey inay wax ka beddeleen nidaamkii hore ee Olalaha doorashada Madaxtooyada ee Xisbiyada, waxaanay amreen inay joojiyeen ololaha Habeenkii ay Xisbiyadu ka bilaabaan magaalooyinka, ka dib markii ay waxyaabo anshaxa ka dhan ah iyo dhaqammo aan wanaagsanayni ka soo baxay 3-dii habeen ee ugu horreeyey ee Saddexda Xisbi ololohooda bilaabeen.

GUDDOOMIYAHA IYO AFHAYEENKA GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOMALILAND OO JOOJIYEY OLOLAHA HABEENKII EE XISBIYADA 2017

 

Guddiga doorashooyinka iyo Guddiga Anshaxa doorashada iyo Xubno ka socday Xisbiyada UCID, Kulmiye iyo Waddani, ayaa kulan lagaga wadahadlay go’aanka cusub, isla markaana lagu qiimeeyey qaladaadka ka soo baxay wareegga koowaad ee ololaha doorashada Maanta ku yeeshay xarunta Guddiga doorashada ee magaalada Hargeysa, ka dibna Saxaafadda qaar u akhriyey go’aanka cusub ee wax lagaga beddelay ololaha doorashada oo lixda fiidnimo illaa lixda fiidnimo ee maalinta dambe ay wadayeen Xisbiyadu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here