Murrashaxa Xisbiga UCID Oo Isku Kala Bixiyey Deegaanada Ku Teedsan Ee Xuduudka Itoobiya Iyo Maalintii Olollaha Oo U Badelay Samafal Iyo Qaybinta Xoolo Nool Oo La Siiyo Dadka Jilicsan

0
727

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ahna Murashaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi Eng faysal Cali Waraabe iyo Wafti Ballaadhan oo Uu Hogaaminayo, ayaa lagu soo dhaweeyey deegaamo ka tirsan Gobolka Hawd oo uu  booqasho ku tegay maalintii 3aad ee uu xisbigiisu u lahaa Ololaha Doorashada.

Murrashaxa UCID, ayaa booqashadiisa ku soo maray deegaamada ku teedsan Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya waxaanay ubadeleen maalintii banan baxooda maalinta taakulaynta dadka jilicsan kuwaas oo deeqo isugu jira xoolo iyo lacagba siinayey dadka jilicsan eek u jira dhakhtarada iyo jeelasha.

Waxaanu murrashaxa xisbiga UCID eng Faysal Cali Waraabe kala kulmay taageero ballaadhan oo dadkaasi si weyn ula dhacsan yihiin socdaalkiisa. Murrashaxa madaxweyne ku xigeen ayaa ugu horeyn ka hadlay dareenka soo dhaweynta leh ee loo sameeyey  waxaanu yidhi” waa maalintii igu horeysay ee aan baligubadle imaado waanan ku taamayey waligay oo ila mid ah laascaanood oo kale maxaa yeelay waa meeshii aan ka soo jeeday maanta idinka iyo laascaanood waad iisiman tihiin murrashaxnimadeyda awoowayaal iiduceeya waan idinsoo booqdey codna waan idinka doonayaa.

Dhanka kale waxaa isna hadal dheer ka jeediyey murrashaxa xisbiga ucid eng faysal cali waraabe wuxuuna ka waramay taariikhda baligubadle  wuxuuna sheegay in ay tahay meeshii halganka ee dalka laga xoreeyey wuxuuna yidhi” magaaladani taariikh dheer bay leedahay waa magaaladii markii dalka laynaga saaray taliskii soomaliya lagula dagaalamay  isaka xoreynaynay laga dhigay xarunta anigu hore ayaan idiinku sheegay oo haddii aan madaxweynaha ku guuleysan lahaa waxaa lacagta Somaliland ku daabici lahaa baligubadle weftiga murrashaxa xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID wuxuu socdaal ku gaalaa bixiyey deegaaanada balicabane, gumar, kaabada iyo aadan abokor oo taageerayaasha xisbiga ucid ku soo dhaweeyeen  doorashada socotaa waa saddex qof iyo saddex ku xigeen weeyaan lixduba waa reer Somaliland hadeynu qabyaalad ku doorano oo aydaan kartidiisa iyo diintiisa eegin oo aad foodka reer ahaan ku siisaan halkaa aynu joogno ka dhaqaaqi mayno’

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here